Xisbiga KULMIYE oo soo Bandhigay laba Murrashax oo Miisaan leh

Hargeysa -(WARSOOR) – Xisbiga KULMIYE ee haya talada dalka Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa soo bandhigay maanta laba murrashax oo miisaan leh oo u kala tartamaya doorashada Golaha Wakiillada iyo Golaha Deegaanka caasimadda Hargeysa.

Kulan ballaadhan oo ka qabsoomay hoolka shirarka ee xarunta dhexe ee xisbiga KULMIYE ee Hargeysa, ayaa hoggaanka xisbiga KULMIYE ku qaabileen murrashax Cabdiraxmaan Ismaaciil Xuseen (Cadami) oo u tartami doona doorashada Golaha Wakiillada iyo murrashax Siciid Jaamac Cali oo isaguna u ordi doona doorashada Golaha Deegaanka iyo taageerayaal wehelinayey oo isugu jiray madaxdhaqameed, odayaal, aqoonyahan iyo dhallinyaro.

Guddoomiye-ku-xigeenka labaad ee xisbiga KULMIYE Md. Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi-dheere) iyo xubno kale oo hadallo ka jeediyey madasha, ayaa soo dhaweeyey labada murrashax oo ay ku tilmaameen inay yihiin kuwo miisaan weyn leh marka laga qeemeeyo aqoontooda, kartidooda iyo dadnimadoodaba.

Dhinaca kale, labada murrashax – Cabdiraxmaan Ismaaciil Xuseen (Cadami) iyo Siciid Jaamac Cali, ayaa iyaguna ballanqaaday haddii ay ku guulaystaan doorashada inay bulshada ugu adeegi doonaan daacadnimo iyo sida sharcigu dhigayo.