Xisbiga Kulmiye Oo Si Rasmi Ah U Shaaciyey Wakhtiga Uu Qabsoomi Doono Shirweynaha 4aad

HARGEYSA – (WARSOOR) – Guddida qaban qaabada shir weynaha Xisbul-xaakimka Somaliland ee Kulmiye oo shaaciyey wakhtiga uu qabsoomaayo Shirweynihii afraad ee xisbigaasi.

Xubnaha guddida qabanqaabada shirweynaha Xisbiga Kulmiye oo kulan ku yeeshay xarunta guud ee xisbigaas ee magaalada Hargeysa  waxaa warbaahinta la hadlay C/kariin Axmed Maxamed (Xinif) oo ku hadlayey afka guddidaas waxaanu ka waramay maraaxilkii kala duwanaa ee uu soo maray xisbiga Kulmiye, isaga oo sheegay in uu xisbigu  sideed iyo toban jirsaday  isla markaana uu xisbigu afar sanno iyo badh marka la joogaba la qabto shirweynaha xisbiga sida uu dhigayo xeer hoosaadka xisbigaasi.

C/kariin Axmed Maxamed (Xinif) waxa uu sheegay in shirwaynihii afraad ee Xisbiga Kulmiye la qaban doono bisha tobnaad ee sannadkan, iyada oo la  qorsheeyey in shirkaasi uu qabsoomo maalmaha Afraad, Shanaad iyo Lixaad ee bishaasi haddii Alle ka dhigo.

Shirka ayaa ka qabsoomidoona Caasimadda Somaliland ee Hargeysa isaga oo sheegay C/kariin Xinif in ay shirka ka soo qaybgalaan isuna diyaariyaan Xubnaha Xisbiga kuwa golaha dhexe gudida joogtada ah iyo Ergada ka soo qayb gelaysa, waxaanu intaas ku daray in sida kutala galka Xisbigu yahay in uu shirku socdo muddo sadex maalmood ah.