Xildhibaanadda Golaha Wakiiladda Somaliland Ee Kasoo Baxay Gobolka Sanaag Oo Kulan La Qaatay Shacabka Gobolkaas

HARGEYSA – (WARSOOR) – Munaasibad kooban oo ay ku kulmeen xildhibaannada golaha wakiillada gobolka Sanaag ee kasoo baxay doorashadii 31 May iyo dadweynaha gobolkaasi ayaa lagu qabtay deegaanka taariikhiga ah ee dayaxa.

Waxaana kasoo qayb’galay munaasibaddan ma’uuliyiinta xisbiyada qaranka, madax dhaqameedyo, aqoonyahanno iyo dhalinyaro. Ugu horreyn waxa halkaasi ka hadlay xubno isugu jiray mas’uuliyiin, aqoonyahanno iyo madax dhaqameed kuwaasoo dhammaantood ku adkeeyay xildhibaannada inay u midoobaan horumarka iyo wada’jirka  gobolka Sanaag. Qaar ka mid ah qaybaha kala duwan ee bulshada ayaa Iyana sidoo kale ugu baaqay xildhibaannada inay ka shaqeeyaa sidii waxqabad muuqda looga hir’gelin lahaa gobolkaasi, iyagoo sheegay in waajibkoodii ahaa inay codeeyaan inay guteen isla markaana ay ka rabaan xildhibaannada soo baxay sidii ay ugu shaqayn lahaayeen dantooda.

Gebogebadii qaar ka mid ah xildhibaannada oo halkaas ka hadlay ayaa ballanqaaday in intii itaalkooda ah ay ka shaqaynayaan sidii ay wax uga qaban lahaayeen dib u dhaca ku yimi gobolka Sanaag sida ay sheegeen dadweynihii kasoo qayb’galay munaasibaddaasi, waxaana ay ilaahay ka baryeen inuu ku asturo xilkaasi oo ay sida ugu habboon u gutaan.