Xildhibaanada Golaha Wakiiladda oo Meel mariyey Ajandaha Kalfadhigooda 44-aad

Hargaysa – (warsoor) – Mudanayaasha golaha wakiillada Jamhuuriyada Somaliland ayaa fadhigoodii maanta ku ansixiyey ajandaha kalfadhiga 44-aad ee golahaasi.

fadhigan oo uu shirgudoominayey guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Mudane Baashe Maxamed Faarax,  oo ay soo xaadireen 44 xildhibaan, ayaa cod gacantaag ah loo qaaday ansixinta ajandaha kalfadhigooda 44aad, waxaana ogolaaday 42 mudane, halka uu ka diiday hal xildhibaan cid ka aammustayna may jirin guddoomiyuhuna muu codeyn sidaas ayaanu ku ansaxay ajandaha kala kalfadhiga 44aad ee golaha wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland.

Wuxuuna guddoomiyuhu guddi hoosaadayada golahaas u soo jeediyey in ay golaha u soo gudbiyaan xeerarka ay hayaan si goluhu dood uga yeesho.