Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ka hor-yimid in Kenya ay si gaar ah u beegsato ISLII

Nairobi – (warsoor) – Wasaaradda Caafimaadka dalka Kenya ayaa shalay bandow kusoo rogtay xaafadda ay Soomaalidu ku badantahay ee Islii oo ka tirsan magaalada caasimadda ah ee Nairobi, wuxuuna bandowgaasi ku kooban yahay xaafadaas oo kaleya, taasi oo lagu qeexay mid lagu beegsanayo Islii kaliya.

Bandowga ay dowladdu saartay Islii ayaa socon doona mudo 15 cisho ah, mudadaas oo sida uu sheegay wasiirka caafimaadka Kenya aan xaafadaas lasoo geli karin, lagana bixi karin.

Wasiirka Caafimaadka Kenya oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Nairobi ayaa amray in wax dhaqaaq soo gelid ama ka bixid ah aysan ka jiri karin xaafadda Islii mudadaas 15-ka cisho ah.

Wasaaradda ayaa sababta ay xaafadaas ugu soo rogtay Bandowga waxay ku sheegtay inay la xiriirto faafitaanka cudurka Coronavirus oo maalmihii lasoo dhaafay kiisas badan laga diiwaan geliyay xaafadaas. Iyadoo dadka loo ogolaaday inay furaan karaan oo kaliya xilliga habeenkii ah, goobaha caafimaadka iyo dukaamada lagu iibiyo raashinka.

Islii shalay waxaa laga diiwaan geliyey 29 kiis oo Coronavirus ah, kadib baaritaan guri guri ah oo ay ka sameysay wasaaradda caafimaadka dalka Kenya.

Sidoo kale bandowgan 15-ka cisho ah oo ay soo saartay dowladda Kenya ayaa saameynaya magaalada xeebta ku taalla ee Mombasa.

Dhanka kale Xildhibaan Yuusuf Xasan oo ka tirsan baarlamaanka Kenya, isla markaana laga soo doortay degmada Kamukunji oo ay ka tirsantahay xaafadda Islii, ayaa si adag uga soo hor jeestay go’aanka ay maanta dowladda Kenya bandowga ugu soo rogtay xaafadda Islii.

Xildhibaanka ayaa bandowgaas ku tilmaamay mid eex ku ah dadka reer Islii, isaga oo sheegay in marka loo fiiriyo tirada kiisaska laga diiwaan geliyey gudaha Kenya ay aad ugu yaryihiin kiisaska laga diiwaan geliyey Islii, dowladana looga baahan yahay inay iyagana amaradan oo kale kusoo rogto goobihii laga diiwaan geliyey kiisaska kale.

Xildhibaan Yuusuf ayaa sheegay in Islii ay ku yaallaan ganacsiyo aad u waaweyn, isla markaana uusan macquul aheyn bandowga ay kusoo rogtay dowladdu, maadaama uu sheegay in kumanaan qofood ay suuqa Islii u soo shaqa tagaan ama kasoo dukaameystaan.

Xigasho: Caasimada