Xildhibaan Ka Tirsan Xisbiga Waddani Oo La Weeraray

Hargeysa – (warsoor) – Xildhibaan Weli Axmed Xaawa oo katirsan golaha wakiiladan Somaliland ayaa waxa weerar gacan ka hadal ah kusoo qaaday rag la sheegay inay qaraabo yihiin wasiirka wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland mudane Cabdillaahi Maxamed Daahir Cukuse, iyadoo xildhibaanka lagu soo weeraray Hotel Dalxiis.

Ragga xildhibaanka soo weeraray ayaa waxa ay ku hubaysnaayeen Budad iyo Bakoorado, kuwaasi oo isku dayay inay waxyoollo gaadhsiiyaan xildhibaanka, balse Xildhibaan Weli ayaa iska difaacay, iyadoo markii dambe ay gacanta kusoo dhigeen boolisku mid kamid ah raggaasi oo ay walaalo ruma yihiin wasiir Cukuse.

Laamaha ammaanka dalka ayaa baadhitaanka kiiskan ku guda jira, balse ma jiro war rasmi ah oo kasoo baxay ciidanka booliska iyo xildhibaankaba, lamana garanayo sababta keentay in xildhibaanka hadh cad weerar noocan ah lagu soo qaado.

Ugu dambeyntii, Xildhibaan Weli Xaawa ayaa katirsan xisbiga mucaarid ah ee Waddani, isagoo kamid ah mudanayaasha golaha wakiilada ee xisbigaasi ka tirsan.

Wariye Khร dar Foodhaadhi

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.