Xiddigaha Ku Tartamaya Abaal-marinta Dhif & Naadirka Ah Ee SUPER BALLON D’OR Oo Lasoo Xulay

Taageereyaasha kubadda cagta ayaa dalbaday in dib loosoo celiyo abaal-marinta halka mar ee kaliya abid la bixiyey ee ‘Super Ballon d’Or’, waxaanay soo xusheen xiddigihii ugu fiicnaa kubadda cagta 32kii sannadood ee ugu dambeeyey, kuwaas oo ay waliba ku kala saareenqiimayn.

Sannad-guuradii 30aad ee majaladda France Football ee sannadkii 1989kii ayaa halyeygii Real Madrid ee Alfredo Di Stefano lagu siiyey abaal-marinta Super Ballon d’Or, waana marka kaliya ee abid la bixiyey abaal-marintaas, hase yeeshhee hadda ayay taageereyaasha kubadda cagtu olole ugu jiraan sidii loosoo celin lahaa.

Xilliga Di Stefano la siiyey Super Ballon d’Or, waxa kaliya oo xaq u lahaa ciyaartoyda reer Yurub oo sidoo kalena ku guuleysan jiray xiddignimada sannadlaha ah ee Ballon d’Or, sababta loo siiyey Di Stefano ayaa ahayd inuu yahay muwaadin reer Spain ah inkasta oo uu u dhashay Argentina oo uu xataa usoo ciyaaray xulka qaranka dalkaas oo uu lix ciyaarood u saftay ka hor intii aanu Spain imanin. Super Ballon d’Or ayuu Di Stefano ku garaacay Johan Cruyff iyo Michel Platini.

Taageereyaasha kubadda cagta ayaa bilaabay olole ay ku doonayaan in la qabto sannad-guuradii majaladda France Football ee 30kii sannadood ee ugu dambeeyey, isla markaana lagu bixiyo Super Ballon d’Or oo ay ku tartamaan xiddigihii laga soo bilaabo 1990kii illaa hadda, waxaanay sidoo kale xusheen xiddigihii ugu fiicnaa 32kaa sannadood.

Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi ayaa safka hore kaga jira qiimayntan iyo xulashada jamaahiirta, waxaase caddaan meel cidlo ah u taagan Messi oo toddoba Ballon d’Or kusoo guuleystay, isla markaana xulkiisa Argentina u qaaday Koobka Adduunka toddobaadkii hore.