HARGEYSA – (WARSOOR) – Xeerilaaliyaha guud ee qaranka Somaliland Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan ayaa faahfaahin ka bixiyay dacwada xeerilaalinta ku soo oogtay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif Axmed.
Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan ayaa waxa uu sheegay in Cabdirisaaq Khaliif uu jabiyay qodobada Dastuurka ee 129aad 123aad ee 1aad 2aad iyo 129aad,
Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan oo Arimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Xafiiska xeerilaalinta waxa uu dacwad ka gudbiyay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif Axmed,taas oo ahayd dacwado Dastuuriya qoraaal kaas waxa aanu u gudbinay dacwado dastuuriya kowdii bishii lixaad 2023 Maxkamaddu dhawr cisho ayay darsaysay afar cisho ka dib ayay naga aqbashay arjigaasi in uu waafaqsanyahay xeerarka habka madaniga.dacwadani waa dacwad dastuuriya dacwad ciqaaba maaha, Xeerilaaliyaha guud waxa isticmaalay qodobo dastuur oo uu jabiyay Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif Axmed.
Waxaana ka mida qofobada uu jabiyay qodobka 129aad qodobka 123aad ee Dastuurka iyo qodobka 1aad iyo 2aad ee Dastuurka iyo qodobka 129 ee dhaarta oo dalkii uu u dhaartay in uu ku xadgudbaytaas oo ah in uu jabiyay qodobka Dastuurka ka mida,waxaana qodobadaasi sheegayaan qaranimada iyo Madaxbanaanida Jamhuuriyadda Somaliland.dacwadani waa dacwad Dastuuriya,waana dacwadaha qaranka ugu sareeya oo Maxkamad laga furo,waxa kale oo uu jabiyay xubinimada Golaha cida go,aaan ka gaadhi kartaa ee cadayn kartaa waa Maxkamadda, qodobka 49aad ee dastuurka ayaa sheegaya in Xildhibaanka Golaha Wakiilada lagu oogi karo dacwad aan ciqaab ahan.taas oo aan looga baahnan Golaha Wakiilada wax ogolaasha qodob kaas ayaa xeerilaalinta raacday oo u ogolaaday in dacwad ku soo oogto Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Cabdirisaaq Khaliif Axmed,”.