Xeer Ilaalinta Qaranka oo xirtay kiis dacwaddeedkii Cabdirashiid Janan

MUQDISHO – (WARSOOR) – Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka ayaa soo xirtay kiiskii dacwadda ahaa ee loo heystay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan, kaas oo dhawaan la heshiiyay dowladda Soomaaliya.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Xeer ilaaliyaha Guud ee Qaranka lana ogeeysiiyay Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in Markii la dhagaystay: talo soo jeedinta baaraha iyo Xeer-ilaaliyaha kiiska gacanta ku hayay iyo qodobada sharcigu ah ee u cuksadeen talo soo jeedintooda iyo Danta Guud ee Caddaaladda laga leeyahay la xiray kiiska Cabdirashiid Janan.

Dhinaca kale Maxkamadda Gobolka Banaadir oo ka jawaabeysay qoraalka Xafiiska Xeer Ilaalinta Guud ee Qaranka aya aqbashay dalabka Xeer ilaalinta Qaranka ee ah xiritaanka kiiskii Cabdirashiid Janan.

Wasiirkii hore ee Wasaaradda Amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan & dowladda Soomaaliya ayaa waxaa horay uga dhaxeeyay khilaaf xoogan balse uu dhawaan la heshiiyay, waana markii labaad oo la xiro kiiska dacwadda Cabdirashiid Janan.