Xarunta Hayat Diagnostic Centre oo Habeenimadii Xalay Dab xoogan Qabsaday iyo Ciidanka Dab-demiska Hargeysa oo damiyay

Hargeysa – (warsoor) – Abaaro 2:45 ee habeenimadii xalay ayaa dab xoogan ka kacay goobta sawirada Caafimaadka ee Hayat Diagnostic Centre, dabkan oo ahaa dab laxaad leh ayaa ka bilaabmay dhismaha oo ka koobnaa laba qaybood, dhisme hore iyo dhismayaasha dambe ee casriga ah.

Dhismaha qaybta hore ayaa dabku ka bilaabmay kuna xooganaa iyadoo halkaasna ka dhashay khasaare hantiyeed, halka dhismaha cusub ee fooqa ah ay ciidanka Dab-demisku dabkaa ka xakameeyeen kana hor istaageen inuu ku fido dabku, iyo meherado oo u badnaa bakhaaro oo ku dhinac yaalay.

Dabkan waxaa ka hawlgalay 12 Gaadhi oo Dab-demis ah iyo 85 Xubnood oo heegan u ahaa hadii dabku sii fido, kuwaasoo ka kala yimi dhamaan xarumaha ciidanka Dab-demiska Caasimada Hargeysa.

Waxaa dabkan dhaawac ka soo gaadhay 4 Xubnood oo Ciidanka Dab-demiska ah, kuwaasoo ku hawlanaa xakamaynta iyo nabadgelyanta qalabka cusbitaalka.Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Dab-demiska sareeye guuto Axmed Maxamed Xasan Sawaaxili ayaa isagoo hawlgalka ku jira laba jeer ku siibtay marmarka goobtaas.

Ma jirin khasaare nafeed iyo mid dhaawac toona oo dabkaasi sababay, waxaana ciidanku goobtaas tageen iyadoo albaabada iyo daaqaduhu xidhanyihiin dabkuna is haysto.

Hawlgalkan ayaa ilaa habeenimadii xalay ilaa saaka subaxdii hore ay heegan ku ahaayeen goobtaas Taliyaha Ciidanka Dab-demiska, Taliye Xigeenka,Agaasimaha Fulinta Ciidanka Dab-demiska iyo dhamaan saraakiisha ciidanka, sidoo kale waxaa iyaguna hawlgalkaa ka qayb qaatay labada Taliye qaybeed ee Ciidanka Booliska Caasimada iyo xarumahooda.

Dabkan ayaa la soo gabagabeeyay abaaro 6:45 Subaxnimo ee subaxnimadii hore saaka, waxaana ciidanka Dab-demisku badbaadiyeen hanti badan oo dhex taalay dhismaha goobtaas, iyadoo dhamaan dabkaas laga hakiyay dhismaha cusub ee xarunta oo ay yaalleen qalab aad u farabadan.

Allaa Mahad Leh.

Xafiiska Warbaahinta Ciidanka Dab-demiska JSL
Hargeysa/Somaliland
990 Gurmadka Degdega ah ee Ciidanka Dab-demiska

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.