Xaalado cusub oo Covid-19 ah oo 24-kii la soo dhaafay dalka ku soo kordhay

Muqdisho – (warsoor) – Wasaaradda caafimaadka xukuumadda dalka ayaa xaqiijisay in 24-kii saac ee ugu dambeeyay guud ahaan dalka laga diiwaan geliyay 51,xaalado cusub oo COVID-19, 10-ruux ay bogsoodeen, hal qofna uu u geeriyooday.

Wasiirka Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowziya Abiikar Nuur ayaa caddeysay in 32 kamid ah bukaannda la xaqiijiyay ay ragyihiin 19-na haween yihiin.

37-kamid ah bukaannada cusub waxaa laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir, 12-Puntiland, labana Galmudug.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan gelisay ayaa gaartay 722, waxaa bogsootay 44 Ruux. 32 ruux oo kale ayaa u geeriyooday.

Xigasho: Sonna