Weftigii uu Hogaaminayay Madaxweynaha JSL oo Caasimadda Hargaysa ku soo Laabtay

Hargaysa – (WARSOOR) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo Weftigii uu Hogaaminayay ee Socdaalka Shaqo ugu maqnaa afartii cisho ee u danbeeyey goboladda galbeedka dalka ayaa galabta dib ugu soo laabtay Caasimadda Hargaysa.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo ay Wehelinayeen Xubno ka tirsan Golaha Wasiiradda, iyo Madaxdda golayaasha qaranka ayaa Magaaladda Boorama kaga qayb galay dufcadii 19-aad ee Ka baxday Jaamacadda Camuud oo Tiradoodu dhamayd 945 arday.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi Waxaa kale oo uu Xadhiga ka Jaray intii uu ku sugnaa Magaaladda Boorama Mashaariic wax Ku ool ah oo Xukuumadu ka fulisay Magaaladaasi.

Waxa Kale oo Madaxweynaha Jamhuuriyadda somaliland iyo Weftigiisu ay soo Kormeereen Magaaladda Gebilay.