Wefti uu hogaaminaayo musharaxa madaxweyne kuxigeen ee xisbiga KULMIYE oo Lagu Soo Dhaweeyo Deegaano Awdal Ka Tirsan

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wefti uu hogaaminaayo musharaxa madaxweyne kuxigeen ee xisbiga KULMIYE ahna wasiirka wasarada ganacsiga iyo dalxiiska Somaliland Maxamuud Xasan Sacad Saajin oo ay kamid hayeen wasiirka wasarada waxbarashada, mareyaha hayada wadooyinka Somaliland,wasiir kuxigeeno, agaasimeyaal guud, gudoomiyeyasha gobolada Awdal, Selel iyo Hawd ayaa maanta si balaadhan loogu soo dhaweeyay degmooyinka Quljeed iyo Boon oo ka tirsan gobolada Awdal iyo Selel.

Masuliyiintani ayaa kormeeray dibu-dhiska dugsiga hose dhexe ee degmada Quljeed oo ay dhisayso xukuumada Somaliland, kaasi oo ay dhawaan burburiyeen roobab ka da’ay degaankaasi, waxana ay sidoo kale si wadajira u dhagax dhigeen guriga martida oo laga dhisaayo degmada Quljeed.

Intaa kadib waftigan ayaa gaadhi loogu talagalay ciidanka booliska degmada Boon ku wareejiyay maamulka iyo taliyaha qaybta Booliska Degmadaasi, waxana ay halkaasi ka balan qaadeen mashariico horumarineed oo laga hirgalinaayo degmada Boon iyo qaar kamida deegaanada hoos imaada.