Waxa Inoo Baryey Waa Cusub

Wuu dhamaaday shirqoolkii ka aamusidda ee waddamada Adduunku ku hayeen dalka Jamhuuriyadda Somaliland, waanu dhamaaday wakhtigii wadda-hadal wax lagu hubin lahaa, waxa inoo baryey xilli u baahan in tallaabooyin firfircoon iyo wax-qabad dhab ah lagaga gudbi lahaa xaaladdan cusub ee fooda innagu soo haysa, maaha in baahida dadka la habeeyo oo wax walba laga qufullo, garasho ahaan si loogu hoggaansanaado, (Waxa anniga ii daran, ayaa adigana kuu danna) balse waxa waajib ku ah xukuumaddu in ay dhiig cusub ku shubto dib u habeynta Ganacsiga, Caafimaadka, Wax-barashada, Beeraha, Xoolaha, Kor u kaca qiimaha sayladda suuqyadda iyo Dhaqaalaha Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Dhinaca kale, Wadaniyaddu kama tagana marka ay Askartu dalkooda ka difaacayaan weerarrada caddowga, waxa ay muujiyaan Waddaniyad ku dayasho mudan, laakiinse, warfidyeennada Jamhuuriyadda Somaliland way ku fashilmeen in ay boodhka jafaan, Difaacaan oo ay dhidibbada u taagaan qiimaha Wadaniyadda u leedahay Dalkooda, “ Lama Huraan Waa Caws Jiilaal”, murti Soomaaliyeed baa tidhaahd.
Waxa haboon in ay xukumaddu ku darto manhajka wax-barashada Dugsiyada Qiimaha ay wadaniyaddu u leedahay Dalka iyo Sooyaalkii Taariikheed ee uu soo maray Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, sida aynu wada ogsoonahay maaha mid si fudud lagu hantiyey ka midho-dhalintii lagu gaadhay guusha Xornimada iyo Madax-bannaanida Dalka Jamhuuriyadda Somaliland.

Waxa ay ka soo unkantay hannashadaasi, oo uu abqaalkaasi ku soo baxay waddaniyiintii dhiiggagii halyeyadii naftood hurayaasha ahaa, sida biqilkuba ugu baahan yahay waraabka, xannaaneynta, toosinta iyo illaalinta, ayey xoriyaddii la hantiyeyna ugu baahan tahay Toosin, Sinnaan, Caddaalad iyo Waddaniyad.

Haddaba, marka aynu eegno Dalka Jermalka guddihiisa waxa mabnuuc ka ah in qofka lagu arko isagoo sita ama xidhan calankii naasiga ee Hidlar in lagu xukumo xabsi daa’in, halka waddanka Iiraana guddihiisa ay ka mabnuuc tahay labada Calan ee Israa’iil iyo Calanka Mareynkanka.

Sidoo kalena, Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu sharcigoodu dhigayaa in qofka lagu arko isagoo sita ama xidhan Calanka Soomaaliya in uu yahay qof galay Dambi ku xadguddub Liddi ku ah Wadaniyadda oo ay ciqaabtiisu tahay saddex-sannadood, taasoo ay sabab u tahay xasuuqii naasigii Siyaad Barre u geystay dadka reer Somaliland.

Qoraa;- Maxamed Faarax Qoti