Laascaanood – (warsoor) – Ciidamadda maamul goboleedka Puntland ayaa la sheegay inay ka horjoogsadeen laba wasiir oo ka tursan xukuumadda Somaliland kuwaasi oo doonaayey inay galaan magaaladda Dhumey oo Laascaanood ka xigta Koonfur Galbeed, sida ay baahisay mareegta caasimadda.
Wasiiraddan la sheegay in laga horjoogsaday inay galaan deegaanka Dhumey oo kala ahaa Wasiirka Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Axmed Kaahin iyo Wasiirka Horumarinta Biyaha Saleebaan Yuusuf Koore.
Ciidamadda maamul goboleedka Puntland ayaa weerar ku qaadaday kolanyo ay wateen weftiga labada wasiir, balse ma jiraan ilaa hadda wax khasaare ah oo labada dhinac soo kala gaadhay. Weftigii Wasiiradda Somaliland ayaa la sheegay inay dib ugu noqdeen magaaladda Laascaanood.
Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Bixii Cabdi ay labadan wasiir u diray 07 November, 2018 inay ka qayb-galaan shirweyne laga heshiisiinaayey shiqaaqo ka dhex dhacdaylaba beelood oo wadda dagga deegaanka Dhumey.
This post is also available in:
Somali