Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka Iyo Wacyigelinta Somaliland Oo Shacabka Laascaanood Kulano Kula Qaatay Goobaha Laysugu Yimaado Ee Magaaladda

Laascaanood – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa maanta socdaal indho indhayn ah ku maray Laamiyadda iyo goobaha ganacsiga ee magaaladda Laascaanood.

Wasiirka oo uu weheliyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Hawada Somaliland Maxamed Axmed  Xasan (Jabarti) ayaa goobaha Laamiyadda ah iyo goobaha Ganacsiga waxa ay kula kulmayeen shacabka magaaladda Laascaanood oo si weyn usoo dhoweynaayey.

Waxa ay sidoo kale kulano kula qaateen Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Md Saleebaan Yuusuf Cali Koore iyo Agaasimaha Hay’adda Duulista iyo Hawada Somaliland Maxamed Axmed  Xasan (Jabarti) goobaha ay dadku isugu yimaadaan ee magaaladda Laascaanood dadweynaha reer Laascaanood oo ay iska xog waraysteen xaaladdaha kala duwan ee magaaladda Laascaanood,iyaga oo socod lug ah ku tegay goobo kala duwan oo kamid ah  magaaladda Laascaanood.

Wasiirka wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Md Saleebaan Yuusuf Cali Koore ayaa maalmihii ugu dambeeyey gobolka Sool u joogay soo afjarida shaqaaqooyin dhex maray beelo walaalo ah oo diriri ku dhex martay meelo kamid ah gobolkaasi Sool.