Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Somaliland Oo Tabobar U Furay Qaar Ka Mid Ah Suxufiyiinta Ka Hawlgala Warbaahinta Dalka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), ayaa qaar ka mida saxafiyiinta ka hawl gala caasimada Hargeysa u furay kulan aqoon is waydaarsi ah, oo ku saabsan diyaarinta warbixinaha la xidhiidha tahriibta.

Kulankaas aqoon is waydaarsiga ah oo socon doona muddo laba maalmood ah waxa iska kaashaday wasaaradda warfaafinta Somaliland iyo hay’adda IOM, waxaana ka qayb qaadanaayay qaar ka mida saxafiyiinta ka hawl-gala warbaahinta dawladda iyo ta madaxa bannaan.

Furitaankii aqoon is waydaarsigaas waxa hadal ka jeediyay Liibaan Maxamuud Ciise oo ka mida masuuliyiinta hay’adda caalamiga ee IOM, waxaanu sheegay in mudada kulankaasi socdo lagu baran doono dhibaatada ay leedahay tahriibtu iyo sida ugu haboon ee loo dhawri karo xuquuqda ay leeyihiin dadka dalkeena qaabka tahriibka ah ku soo gala ama ugu dhex nool.

Agaasimaha waaxda qorshaynta ee wasaaradda warfaafinta Somaliland Cabdiqaadir Dayib Askar oo waaxda uu masuulka ka yahay tabobarkaas soo qaban qaajisay ayaa sheegay in tabobarkaasi ka mid yahay qorshihii wasaaradda warfaadinta ee ku saabsanaa kor u qaadida aqoonta guud ee warfaafinta dalka, sidoo kale wuxuu intaas ku daray inay ka shaqayn doonaan kor u qaadida wada shaqaynta ka dhaxaysa wasaaradda iyo hay’addaha caalamiga ah ee dalka ka hawl gala.

Ugu dambayn wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali (Koore), ayaa sheegay in wasaaradda warfaafintu sii xoojinayso kor u qaadida aqoonta saxafiyiinta Somaliland, waxaanu wasiirku intaas ku daray in la gaadhay xiligii saxaafadda Somaliland la sixi lahaa, korna loogu qaadi lahaa aqoontooda saxafiyiinta ka hawl-gala dalka.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta Somaliland Saleebaan Yuusuf Cali wuxuu xubnahaas tabobarka qaadanaayay u soo jeediyay inay ka faa’iidaystaan aqoon korodhsigaasi, kuna dabaqaan shaqada warfaafineed ee ay bulshada u hayaan.

Waxa kale, oo uu Wasiirka Warfaafintu xusay inay wada hadalo u socdaan mas’uuliyiinta Telefishanadii ay xukuumaddu xayirtay ee Universal iyo Star, taas oo uu tilmaamay in haddii ay u hogaansamaan qawaaniinta dalka uu wada xaajoodka u socdaa guulaysan doono, haddii ay ka gaws adaygaanna ay xayiraaddu sii saarnaan doonto.