Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha OO Xafiiskisa ku qaabilay masuuliyiinta ugu sareeya Komishanka Maamulwanaaga Iyo Ladagaalanka Musuqmaasuqa

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Mudane Cabdilaahi Cabdiraxmaan Aare ayaa xafiiskisa ku qaabilay masuuliyiinta ugu sareeya Komishanka Maamulwanaaga Iyo Ladagaalanka Musuqmaasuqa, sidoo kale waxa iyaguna la Kulmay Agaasimeyaasha Waaxyaha kala duwan ee Wasaarada, kulankaas oo ku saabsanaa Hanaanka Maamul Wanaaga.

Ujeedada kulanka ayaa daba socotay qiimeyn ay ku samaynayeen Komishanka Maamul Wanaagu Wasaaraddaha iyo hay’addaha dawlada.Masuuliyiintan oo ka koobnaa Gudoomiyaha, Gudoomiye Kuxigeenka iyo Qayb ka mida Agaasimaha waaxyaha.

Guddoomiyaha Komishanka Maamul Wannaaga Liibaan Ismaaciil Cabdilaahi, ayaa ka hadlay ujeeddada qiimeynta iyo daraaseynta ugu samaynayaan Wasaaraddaha iyo Hay’addaha dawladda, waxaanu sheegay in baadhistan iyo qiimeyntani ay tahay mid dhinaca maamul-wannaagga ah oo Komishan ahaan ay ku doonayaan in ay ku qiimeeyaan hannaanka shaqo, Maamul iyo Adeeg bixineed ee Wasaaraddaha iyo Hay’addaha Dawladda.

gu danbayn Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha ayaa halkaasi ka sheegay inay soo dhaweynayaan kuna faraxsan yihiin in la helo Maamul Wanaag iyo Nidaam toosan wixii ka soo baxa ee talo iyo toosinba ahna baadhista iyo qiimaynta uu wado komishanku ay ku dhaqmi doonaan si hagar la’aan ahna u fulin doonaan.