Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL oo kulan la qaatay madaxda Hay’addaha UNDP, UNODC, UNSOM iyo UNWOMAN

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed,uu wehelinayo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arimaha Gudaha Maxamed Yuusuf Ismaaciil ayaa kulan la qaatay madaxda Hay’addaha UNDP, UNODC, UNSOM iyo UNWOMAN.

Kulan ayaa lagaga wada hadlay dhamaadka mashruuca saraynta sharciga (Rule of Law), wejigiisii hore iyo u diyaar garowga bilowga mashruuca qaybtiisii danbe oo bilaamaysa sanadkan cusub, iyadoo masuuliyiinta ka socdey Hay’adaha Caalamiga ah ee UN ka ay ballaan qaadeen in ay diyaar u yihiin la shaqaynta Somaliland, qaar ahaana Wasaaradda Arimaha Gudaha, oo ay si toos ah ugala shaqaynayaan mashruuca Saraynta sharciga iyo Ammaanka.
Mashruucan oo wejigiisii hore ku soo dhamaatay si wanaagsan, ayaa kulan maanta waxaa diirada lagu saaray sidii uu dhakhso ugu bilaami lahaa qaybta labaad ee mashruuca,iyadoo laga wadahadlay sidii loo xoojin lahaa Saraynta sharciga, Amniga iyo kor u qaadista tabarada Ciidanka Booliska iyo qalabayntoodaba.
Masuuliyiinta ka socdey Hay’adaha UN-ka waxaa hogaaminaysey madaxa mashruuca Rule of Law, Mrs, Doel Mukherjee iyo madax kale oo uu ka mid yahay madaxa Xafiiska Hargeysa ee UNDP Cabdisalaan Yuusuf.