Wasiirka Wasaarada Kalluumaysiga Iyo Horumarinta Xeebaha oo Kulan La Yeeshay Shirkadaha iyo Warshadaha Ka Shaqeeya Kalluunka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaarada Kalluumaysiga Iyo Horumarinta Xeebaha JSL Mudane Maxamuud Warsame Jaamac Ayaa Kulan La Qaatay Shirkadaha iyo Warshadaha Ka Shaqeeya Kalluunka.

Kulanka Ayaa Daarnaa Xog Waran Guud oo Ku Saabsan Shaqadda Kalluumaysi ee ay Hayaan Shirkadahani.

Ganacsatadda ayaa Wasiirka Warbixin ka siiyay heerka ganacsigoodu marayo iyo caqabadaha ku gedaaman

Wasiirka oo Kulanka Soo Afmeeray Ayaa Warshadaha iyo Ganacsatadda uga Mahad naqay sida ay usoo ajiibeen kulanka iyo wada shaqaynta ay la leeyihiin wasaaradda iyadoo wasiirku ganacsatadda ku booriyay inay dedaalkooda halkaas kasii wadaan isagoo balan qaaday wixii caqabado ah intii karaankooda ah ka wasaarad ahaan inay wax kala qaban doonaan