Wasiirka Macdanta Iyo Tamarta JSL Oo Ceerigaabo Ka Daahfuray Korontada Cadceedda Ku Shaqeysa

Hargeysa – (WARSOOR)-Wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Jamhuuriyadda Somaliland Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal, ayaa magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag ka daahfuray korontada ku shaqeysa Cadceeda.

Sida uu ku soo waramayo wariye Maxamuud Maxamed Xasan (Saraaf) oo wakaaladda wararka Somaliland ee solna uga soo warama gobolka Sanaag, waxaana munaasibadda daahfurkaas ka qayb galay wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Jaaamac Xaaji Maxamuud Cigaal, guddoomiyaha gobolka Sanaag Eng. Axmed Cismaan Xasan, maayarka deg,mada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur, masuuliyinta shirkadda Somco ee Laydhka siisa magaalada Ceerigaabo, madax ka socotay shirkadda pure oo iyadu fulisay mashruucaas iyo marti sharaf kale.

Ugu horreyn waxa halkaas ka hadlay madaxa mashruucaas ee shirkadda Somco Eng. Maxamed Axmed Liibaan, guddoomiyaha shirkadda Somco iyo Eng. Bulshaan Sirikooda oo ka socday shirkadda Pure, oo faahfaahin ka bixiyey marxaladihii kala duwanaa ee uu mashruucaasi soo maray iyo faa’iidada ballaadhan ee uu u leeyahay bulshada gobolkaas gaar ahaan dadweynaha Ceerigaababa, waxayna intaas ku dareen in Laydh joogto ah ay siinayaan dadweynaha Ceerigaabo, kaas oo ay ku heli doonaan qiime jaban.

Waxa kale, oo iyana halkaas ka hadlay duqa degmada Ceerigaabo Ismaaciil Xaaji Nuur iyo guddoomiyaha gobolka Sanaag Eng. Axmed Cismaan Xasan, oo ka mahadceliyey mashruuca Laydhka ee ku shaqeynaya Cadceeda ee laga hirgeliyey gobolka Sanaag, waxayna tilmaameen muhiimada korantadu bulshada ugu fadhido iyo sida ay baahida weyn ugu qabeen bulshada gobolkaasi.

Gebogebadii waxa halkaas ka hadlay wasiirka wasaaradda Macdanta iyo Tamarta Somaliland Jaamac Xaaji Maxamuud Cigaal, oo sheegay in mashruucaas ay iska kaashadeen xukuumadda Somalland iyo dawladda Ingiriisku, isla markaana laga fuliyey gobollada Saaxil iyo Sool, kana uu ka mid yahay mashaariicdaas, isaga oo tilmaamay dedaalka ay ka wasaarad ahaan ugu jiraan sidii bulshada Somaliland ay u heli lahaayeen koronto jaban oo daboosha baahida dhanka korontada ah.