Wasiirka Maaliyadda oo khadka kula shiray Wasiirada Maaliyadda ee Dowlad goboleedyada

MUQDISHO – (WARSOOR) – Shirkaan oo ku dhacay qaab fogaan arag  ah ayaa waxaa diirada lagu saaray la tacaalida cudurka COVID-19 iyo xoojinta wada shaqaynta labada heer

Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo ka hadlay muhiimadda shirka ayaa sheegay in Wasiirada Maaliyadda ee dowlad goboleeyada ay isla meel dhigeen arrimo badan oo ay ugu horeyso xoojinta wada shaqeynta heer federaal iyo heer dowlad goboleed..

“Waxaa maanta inoo qabsoomay shirkii Wasiirada Maaliyadda ee Dowladda Federaalka, Dowladaha xubnaha ka ah  iyo Maamulka Gobolka Banaadir, arrimaha ugu muhiimsan ee aan ka wada hadalnay waxaa ka mid ahaa, sidii loo horumarin lahaa Maaliyadda dalka iyo sii wadidda shirarka noocaan oo kale ah oo aan wadajir uga hortageyno xanuunka Coronavirus”. Ayuu yiri Wasiir Beyle.

Wasiirka Maaliyadda Dr Beyle ayaa hoosta ka xariiqay inay muhiim tahay wada shaqaynta iyo latacaalidda COVID19.