Wasiirka maaliyadda Itoobiya oo goor dhaweyd Soo Cago-dhigtay Hargeysa

Hargeysa – (WARSOOR) – Wafdi uu hoggaaminayo wasiirka maaaliyadda dowladda Itoobiya, Axmed Shide ayaa goor dhaw gaaray magaalada Hargeysa ee xarunta xukuumadda Somaliland.

Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa soo dhaweyn kadib loo gudbiyey madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, halkaas oo hadda uu kulan uga socdo, isaga iyo madaxweyne Muuse Biixi.

Inkastoo aan weli la shaacin waxa uu ku qotomo socdaalka wafdigaas ka socda dalka Itoobiya ee Hargeysa gaaray, hadana warar soo baxaya waxa ay sheegayaan in Itoobiya ay Muuse Biixi iyo xukuumaddiisa ku cadaadineyso in ay aqbalaan dalabkii Raโ€™iisul wasaare Abiy Axmed ee ahaa, in isaga iyo Madaxweyne Farmaajo ay Hargeysa booqdaan.

Booqashada wafdigan ayaa ku soo aadeysa xilli uu shalay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi uu si cad uga horyimid safarka la sheegay bin Madaxweyne Farmaajo uu ku tegayo magaalada Hargeysa

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.