Wasiirka Horumarinta Maaliyadda JSL Oo Daah-furay Kulan-Hawleed Loo Qabtay Agaasimayaasha Guud iyo Guddoomiyayaasha Hay’adaha Dawladda

Hargeisa – (warsoor) – Wasiirka Horumarinta Maaliyadda Somaliland Dr Sacad Cali Shire ayaa Maanta Hotelka Royal Plaza ee Magaaladda Hargeisa ku Daah-furay Kulan-hawleed ay Wasaaradda Maaliyadu u qabatay Agaasimayaasha Guud iyo Guddoomiyayaasha Hay’adaha Dawladda Somaliland.

Kulankaas oo lagu Lafo-guray Doorka ay ku leeyihiin Nidaamka Maamulka Maaliyadda dalka, sida Diyaarinta Miisaaniyadda, Dakhliga, Dabagalka iyo Isla-xisaabtanka iyo sidii ay door muuqda uga ciyaari lahaayeen Nidaamka Dib u habaynta Maamulka Maaliyadda ee PFM-ka.

Sidoo kale waxa madashaasi ka hadlay oo tafaasiil ka bixiyey Ujeedada iyo faaidada kulankaasi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Somaliland Md Md Maxamed Cabdi Gurxan, waxa kale oo kulankaasi ka soo qaybgalay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda horumarinta Maaliyadda Md Muuse Ibraahim Salaf iyo Xisaabiyaha Guud ee Qaranka Md Axmed Daauud Geedi iyo Agaasimayaasha Waaxaha Kala duwan ee Wasaaradda Maaliyadda ee uu kulankaasi khuseeyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.