Wasiirka Haweenka XFS oo kulan la qaadatay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya

MUQDISHO – (WARSOOR) –  Wasiirka Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Aadanaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Marwo Xaniifa Maxamed Ibraahim ayaa kulan la qaadatay danjiraha Shiinaha ee Soomaaliya Qin Jian.

Wasiirka iyo Danjire Qin Jian ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal gaar ahaan isku xirka Haweenka Soomaaliya iyo Shiinaha.

Sidoo kale, kulanka waxaa goob joog ka ahaa agaasimaha guud ee wasaaradda Haweenka Mudane Isaaq Xaashi Jimcaale iyo qaar kamid ah Agaasime waaxeedyada wasaaradda.