Wasiirka Gargaarka Soomaaliya oo billad sharaf guddoonsiisay hey’adda Hormuud

MUQDISHO – (WARSOOR) – Wasiirka wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta musiibooyinka ee  xukuumadda FederaalkaSoomaaliya, Khadiija Maxamed Diiriye ayaa billad sharaf guddoonsiiyay hey’adda Hormuud Salaam Foundation oo doorka muhiim ah qaatay caawinta dadka tabaaleysan iyo garab istaagii ay u muujiyaan bulshadda xilliyadda adag.

Wasiirka ayaa hey’adda Hormuud Salaam Foundation ku amaantay kaalintooda ku aadan arrimaha bani aadanimada oo ay ka shaqeeyaan.