Wasiirka Ganacsiga XFS & Safiirka Turkiga oo ka wadahadlay heshiisyo khuseeya dhaqaalaha iyo Ganacsiga

MUQDISHO – (WARSOOR) – Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Md. Khaliif Cabdi Cumar oo maanta booqasho ku tagay xarunta safaaradda Turkiga ee Muqdisho, ayaa halkaas kulan kula qaatay safiirka dawladda Turkiga u qaabilsan Soomaaliya Amb Mahmet Yilmaz.

Wasiirka oo ay wehelinayeen mas’uuliyiin ka tirsan Wasaaradda, ayaa waxay Safiirka ka wada-hadleen dar-dar-gelinta iyo dhammeystirka heshiiska iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga ee u dhaxeeya labada dal kaas oo ahmiyad weyn u leh kobaca dhaqaalaha, shaqo-abuurka, ganacsiga iyo maal-gashiga.

Dhinacyadaasi,waxaa kale oo ay ka wada-hadleen dheeli-tirka ganacsiga labada wadan, dhiiri-gelinta iyo kor-u-qaadista wax-dhoofinta iyo in suuqyo ganacsi loo helo wax-soo-saarka Soomaaliya gaar ahaan in dalagyada ka soo go’a beeraha Soomaliya si toos ah looggu iib geeyo suuqyada wadanka Turkiga.

Kulankaasi mudadii uu socday waxay labada mas’uul isla-garteen dhisidda guddi farsamo oo ka shaqeysa saxar-tiridda iyo dhammeystirka heshiiskaasi ka hor inta aan la saxiixin.

Md. Khaliif Cabdi Cumar, ayaa dawladda aan walaalaha nahay ee Turkiga iyo shacbigeeda ba ku amaanay doorka wanaagsan ee ay ka qaateen horumarka iyo dib-u-dhiska wadanka Soomaaliya, waxaana uu rajeeyey in sida ugu dhakhsiyaha badan guul loogga gaadhi doono dhammeystirka heshiiska TEPA ee u dhaxeeya labada wadan maadaama muddooyinkii dambe laga shaqeynaayey heshiiskaasi.

Ambassador Mahmet Yilmaz, ayaa dhankiisa wuxu Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya uu ku boggaadiyey dedaalka uu ugu jiro horumarinta dhaqaalaha iyo ganacsiga ee Soomaaliya, waxaana uu sheegay inay ka dawlad ahaan ay ka go’an tahay inay mar walba bar-taagnaadaan walaalahooda Soomaaliya isaga oo carabka ku adkeeyey in heshiiska TEPA uu kor u qaadi doono iskaashiga dhaqaalaha iyo ganacsiga ee Soomaaliya iyo Turkiga.