Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya oo Ka Hadlay Saameynta COVID-19 Ku Yeeshay Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Wadanka

Muqdisho – (WARSOOR) – Wasiirka Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha JFS oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho, ayaa, ayaa ka hadlay war-bixin ku saabsan saameynta cudurka COVID-19 uu ku yeeshay Ganacsiga iyo Dhaqaalaha Soomaaliya, waxaana uu sheegay in war-bixintu ay muujinayso in badeecadihii ay dawladdu u sameysay cashuur-dhaafka uu hoos-u-dhacay qiimahoodii sidoo kale na uu cudurkani saameeyey ganacsiyo tiro badan iyo badeecadaha dalka.

Wasiirka, ayaa xusay in sicir-barar ku yimi khudaarta dalka, waxyaabaha lagu nadiifiyo gacmaha iyo weli ba sidoo kale ganacsiyada yar-yar iyo kuwa dhaxe oo qaarkood xidhmeen, waxa kale oo uu sheegay in cudurka COVID-19 uu saameyn xooggan ku yeeshay wax-soo-saarkii dhinaca warshadaha iyo weli ba sidoo kale lacagihii dhinacaha xawaaladaha.

Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, waxa uu carabka ku dhuftay in marka loo eego wakhtigii COVID-19 dalka laga dhawaaqay iyo xiligan in maalin ba maalinta ka dambeysa uu hoos-u-dhac ku imaanayo sicir-bararkii ku yimi badeecadaha dalka, isaga oo xusay in ganacsatadu ay ku ammaanan yihiin sida wanaagsan ee ay ugu naxariisteen shacabkooda isla-mar-ahaantaana ay ugu dhimriyeen xaaladaha adag ee lagu jiro awgeed.

Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha JFS, wuxu sheegay in Wasaaraddu ay la socoto dhaq-dhaqaaqa ganacsiga wadanka isla-mar-ahaantaana ay marar kala duwan ka jawaabtay saameynta COVID-19 ee ganacsiga isagoo sidoo kale na xusay in ay wadaan mashaariic lagu horumarinaayo ganacsiga wadanka kuwaas oo jawaab u ah saameynta COVID-19 ee ganacsiga.

Wasiirku, wuxu aad u boggaadiyey Ganacsatada Soomaaliyeed oo la yimi hal-abuuro ganacsi oo ay kaga qeyb-qaadanayaan ka hortaga cudurka COVID-19 iyaga oo farsameeyey neefiyeyaal wax-weyn ka taray baahidii cisbitaalada loogga qabay dadka laga dabiibaayo cudurkan, waxa kale oo uu ku ammaanay inay bishan Ramadaan ay aad wax-u-tareen dadka masaakiinta ah ee wadanka ku sugan.

 Inj. Cabdullaahi Cali Xasan, wuxu ugu dambeyn uu ganacsatada ku dhiiri-geliyey inay dhibbaatada COVID-19 ay u beddelaan fursado ay ku maal-gashanayaan wax-soo-saarka wadanka, waxaana uu carabka ku adkeeyey in wadanku aanu ku tiirsanaan karin kaalmooyin uga yimaada dalalka dibadda iyo weli ba in ganacsigiisu uu ku tiirsanaado dalal shisheeye.