Wasiirka Gaadiidka Somaliland oo Dalka ku soo Dhaweeyay Wefti uu Hoggaaminayo Dhiggiisa Itoobiya

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Mudane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed oo ay wehelinayaan, Wasiir ku-Xigeenka Wasaaradda Ganacsiga iyo Dalxiisa iyo Safiirka Somaliland u Fadhiya dalka Itoobiya,ayaa   Garoonka Caalamiga ah ee Cigaal International Airport, ku soo dhaweeyay Wefdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo Wasiirka Gaadiidka  Dalka Itoobiya Mudane Dr Alemu Sime.

Wefdiga ayaa Muddada ay jogaan Kullamo  iyo shirar la qaadan doona Wasaaradaha iyo Hay’adaha dawladda ee ka shaqeeya Kaabayasha Dhaqaalaha.

Sidoo kale Wefdigu wuxuu Muddada uu joogo Safar shaqo ku tegi doonaa Dekedda Caalamiga ah ee Berbera Port iyo Goobaha kale Kaabeyaasha Dhaqaalaha.