Wasiirka Duulista Somaliland oo Faahfaahin Ka Bixiyey Kulan Lagaga Wada Hadlaye Maamulka Hawada Sare oo uu Addis-ababa Kula Yeeshay Dhigiisa Soomaaliya

Hargaysa – (warsoor) – Wasiirka Wasaarada Duulista hawada iyo  Daadiidka Cirka Somaliland mudane Farxaan Aadan Haybe oo maanta warbaahinta kula hadlayay xafiiskiisa ayaa faahfaahin ka bixiyay safarkii uu ugu maqnaa Dalka Itoobiya, halkaas oo ay wada-hadal ku yeesheen wafti uu hogaaminayo Wasiirka Gaadiidka  Dawlada  Soomaaliya, wada-hadalkaasi oo salka ku yahay sidii Soomaalidu xal uga gaadhi lahayd maamulka hawada ee mudada ay gacanta ku haysay hay,ada ICAO. Wasiirka oo arimaasi ka hadlaya waxa uu yidhi:-“aniga iyo wafti aan hogaaminayey  waxaanu ku maqnayn Dalka Ethiopia socdaalkaas oo la hal maala sii anba qaadka wada-hadaladii Soomaaliland iyo Soomaaliya ee ku saabsanaa maamulka hawada runtii hawada Soomaalinad iyo Soomaaliya mudooyinkii u danbeeyay waxa laga maamulaayay Qaramada midoobayn oo ay u qaabilsan tahay Hay,ada ICAO laga soo bilaabo 2013 ilaa maanta iyadaa gacanta ku haysa, oo waxa qaabilsan xafiiska layidhaahdo FIS (fly information service) ee Nayroobi ku yaala waxa soo kordhay markaa duruufta ah in Hindiya shir lagu qabto oo markaa lays wadiiyo xogta xafiiskaa iyo Diyaaraduhu wada helayaan aanay suurto gal ahayn in lays maqli karo xaga bad waynta Hindiya iyo xaga kaleba, markaa qorshaa soo baxay ah in hawada Soomaalida la qayb qaybiyo oo loo qaybiyo Hindiya Siishalis iyo Itoobiya iyo xiliga kala guurka ah ee ICAO oo ku eg bisha juune 2018 xiligaasna loo baahan yahay cidii hawada lagu wareejin lahaa inay muuqato.”

Wasiirku isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yidhi:-“Markaas ayaa lays waydiiyay tolow Soomaalidu mays ku tashan karaysaa oo hawadaa ilaa maanta ICAO gacanteeda ku jirta ma maamulan karaysaa, qolyaha yidhaahda hawadii waa la wereejiyay waxaan leeyahay hawada ICAO ayaa gacanta ku haysa ilaa December 2018 na iyadaa haynaysa wixii intaa ka danbeeya Soomaaliland iyo Soomaaliya ayay dhex taala markaa shirku waxa uu daba socdaa shirarkii hore ee Nayroobi iyo Istanbul waxana ajenduhu ahaa Soomaalidu ma isku tashan karaysaa, runtii arimo badan ayaanu isla eegnay dhinac Soomaaliand waftigii aan hogaaminaayay iyo xaga Soomaaliya oo uu hogaaminaayay Wasiirka gaadiidka Soomaaliya waxaan aaminsanahay waxa uu ahaa isku day fiican shirkaas qodobo badan na waa isla soo qaadnay haddii hawada lagu wareejiyo Soomaaliya waxaan u sheegayaa Xisbiyada mucaaradka ah gaar ahaan Waddani dee may suurto gasheen in la yidhaa ha laga wada hadlo  wax jeebkaaga ku jira suuro gal maaha in lagu yidhaa kaalay kawada hadalee taas ayaa calaamad u ah in ilaa hada ilaa inta uu dhamaanayo mashruuca kala guurka ay hawadu gacanta ugu jirayso hay,ada ICAO.”

Wasiirka ayaa tibaaxay u jeedka shirka:- “Shirkuna waxa uu salka ku hayay uun sidii ay labada Dawladood heshiis uga gaadhi lahaayeen maamulka hawada dabadeed heshiis ay wada saxeexaan ay u gudbiyaan ICAO, dabadeedna ay taasi suurto geliso hab labadii Dawladoodba u cuntamaya loo maamulo iyadoo laga duulayo arimaha amniga iyo badqabka Diyaaradaha oo cabashadoodu soo badatay imika weliba kuwa hawada sare maraya kuwaa ICAO ayaa ka qaada qarashka Soomaaliland iyo Soomaaliya hawadooda marka ay marayaan, Markaa shirkani waxa uu ahaa bilow wada-hadalkuna wuu soconayaa waxaanu saarnay guddi farsamo oo labada dawladood ka socda oo isu imanaaya sida ugu dhakhsaha badan oo eegaya sida ugu macquulsan ee hawadii loo maamulayo ee qolo waliba kaalinteeda ugu yeelanayso markaa waxa ay ku xidhan tahay waxa ay soo saarto khubaradaasi oo haddii loo baahdo aanu ku kabayno khubaro caalamiya taas ayaa shirka danbe laysla eegayaa talaabada la qaadayo kani markaa isku day uun buu ahaa albaabka wada-hadalka furaaya albaabkiina waa inoo furan yahay waana maslaxad guud oo Soomaali oo dhan u dan ah runtii asbaab aanu udiidnaana ma jirto waananu soo dhawaynaynaa waxaananu odhan karnaa waa talaabo hore loo qaaday in dib loo bilaabo wada-hadaladii markaa khubaradaasi road map bay soo saaraysaa intaa ka horaysa mandate ka ICAO inay Soomaalidu heshiis ka gaadhi karayso dabadeed ay ICAO u gudbiso kadibna sidaa Soomaalida hawadeedu gacantooda ugu soo noqoto, Haddi taasi suuro geli waydo waxay noqonaysaa inay Dawladd waliba awoodeeda hawadeeda ku maamulato waxaananu rajaynaynaa inay wada-hadaladaasi noqdaan kuwa guulaysta.

 

“Waxa kale oo aan Adis Ababa kula kulman Wasiirka Gaadiidka Itoobiya  Ahmed Shide oo aanu saacad xafiiskiisa kulan  ku wada qaadanay kana wada-hadalay wada shaqaynta xoojinta xidhiidhka labada Dawladood waxa kale oo aanu isla soo qaadnay waxay na siiyaan Scholarship mahadkooda Civil Aviation ka oo ah kuwa ugu horeeya Africa hada 10 arday ayaa noogu jira oo ah shaqaalihii Air Traffic Controls oo ah kuwa Diyaaradaha dejiya haga kiciyana, markaa waxaanu isla qaadanay in marka ay dhamaystaan lagu tababaro Madaarka Itoobiya oo inaga Duulimaad badan si ay tayadooda aqooneed u dhisanto, waanu iga aqbalay wasiirku inay tiro kale oo Scholarship ahna siiyaan wasaarada iyagana dhawaan baan qorshayn doonaa waan u mahadcelinayaa Dawlada Itoobiya runtii gacan wayn bay ina la kor taagan tahay gaar ahaan waxaan u mahadcelinayaa Wasiirka Gaadiidka Itoobiya iyo Raysal Wasaaraha labadaba.”

Wasiirka oo warbaahintu su,aal ka waydiisay shirkan inuu daba socdo shirarkii hore iyo gudida farsmo ee loo saaray ayaa yidhi:-“runtii shirarkaa hore ee Istanbul1 iyo Istanbul2 way socon waayeen  maamulka imika jooga Muqdisho na maaha kii hore inaga waa joogaa maamulkeeni markaa waxa hogaaminaayay madaxwaynaheena Ahmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo hadana waa joogaa siyaasadii ay ka lahaydna waxba iskama bedelin xuquuqda aasaasiga ah ee Dalkani leeyahay ay ka mid tahay inaynu Hawadeena   ilaashano markaa xagooda ayay berigaa ka socon wayday markaa haddii shirkii hore guuldaraysto shirka danbe waxa uu kuu furayaa in aad qodobadii hore adiga oo sal uga dhigaya aad xalka raadiso gudidaa farsamo ee aanu u saarnay ayaa kasoo talo bixinaysa sida ay u suurto gelayso inay wada-hadaladii u sii socdaan.”

Wasiirka ayaa dhanka kale waxa laga waydiiyay kalsoonida ay ku  qabaan wada-hadaladaa waxaanu yidhi:-“runtii kalsooni wayn ayaanu ku qabnaa anaga oo ilaalinayna xuquuqda aasaasiga ah ee qaranimadeena, hawadana cid lagu wareejiyay ma jirto oo haddii la warejiyay wada-hadal muu furmeen waana uu arkayaa caqliga saliimka ahi”

Wasiirka ayaa sidoo kale wax lala yaabo ku tilmaamay hadalo ka soo yeedhay xoghayaha Dulista ee xisbiga waddani. “qolada Xisbiga Waddani oo uu runtii u hadlo wiil yar oo aanan jeclayn inaan u jawaabo, waxa jirtay xikmad dugsiyadii hoose lagu dhigan jiray oo ahayd wiil yar oo la odhan jiray Cumar beenaale oo odhan jiray HAYAAY waraabe ayaa adhigii iga cunay marka dadku u yimaadaana odhan jiray waan iska ciyaarayay maalintii danbe ayaa waraabe soo weereray markaasu qayliyay markaasaa la yidhi waar waa Cumar beenaale oo wuu iska hadlayaa ha maqlina, Taasina waa nasiib darro inay ka qurux badnaan lahayd in wixii runa bulshada laga iibiyo ee aan been laga iibin waxa se kasii ayaan daran Xisbiga uu ninkaasi ka taliyo kaana maahmaah ayaan odhan lahaa (nin baa walalkii ku yidhi chine ayaan gaadhi kaaga soo dirayaa, markaasu ku yidhi walalo chine aan tooshkiisa arkay gaadhigiisa iga daa) markaa Xisbiga uu xoghayihiisa duulistu kaa hayay inta kalena dadka ayaan u daayay. Afhayeenkana Xisbiga waddani  waan arkaayay isaga oo leh waxbaa la iibinayaa waar khabiir doonta oo waxan marka aad fahantaan ka hadla.”

Sidoo kale waxa uu wasiirku jawaab waafiya ka bixiyay arinta company Turkey ah oo codsi usoo gudbiyay Wasaarada Duulista Somaliland sidii uu Terminal cusub u dhisi lahaa, hadii arintaasi suuro gasho saamaynta maamul ee uu ku yeelanayo company gaasi Madaarka Hargeisa waxaanu yidhi:-“waxaan cadaynayaa Madaarka Hargeisa maamulkiisu waa u dhamaystiran yahay wax cid lagu wareejinayana maaha waxaanu la standard yahay Madaarada caalamiga ah ee dunida waayo intaa oo Diyaaradood may yimaadeen meel aan hab maamulkiisu dhamaystirnayn, Company gu waa construction la mida NAJAX IYO DARYEEL”

Warbaahinta ayaa Wasiirka wax ka waydiisay sababta uu Madaarka Berbera u xidhan yahay:-

“runtii markii aan Wasaarada imi waxaan isku dayay oo aan dedaal badan u galay sidii Madaarkaasi u shaqayn lahaa Madaaradu qaabka ay u shaqeeyaan maaha in la dhiso uun oo la qalabeeyo waxa uu u baahan yahay rakaab hadii aanu magaaladaa rakaabku u badnayn macnaheedu inay Wasaaradu khasab ku keeni karayso inuu Madaarku shaqeeyo Air Jabouti marki ay timi waxaan shuruuc uga dhigay inay Madaarka Berbera fadhiisato markii ay 7 cisho fadhiisatay xataa waan ka daayay qarashkii degista iyo kicista si aanu u dhiirigelino  kadib waxa uu yimi ninkii baylootkii iyo ninkii suuqgaynta u qaabilsanaa waxay yidhaahdeen wasiir shidaal ayaa naga baxa oo kharashaad ayaa naga baxaya cidna nama  soo raacayso ee maxaanu yeelnaa taasi waa taa, Takale runwaygiisa ayaa dib u habayn lagu samaynayaa ka hor inta aanay la wareegin Dawlada Imaaraadku  si kii kale dhismihiisa loo bilaabo kaana hada ayaan qorshihiisa wadaa bilaha soo socda.”

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.