Wasiirka Duulista Oo Xafiiskiisa Ku Qaabilay Safiirka Tukriga Ee Somaliland iyo Somaliya

Hargaysa – (warsoor) – Wasiirka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Faraxaan Aadan Haybe ayaa arbacadii xafiiskiisa ku qaabilay safiirka turkiga ambassador Olgan Bekar iyo qunsulkiisa fadhigiisu yahay Hargeysa consular Muzaffer Yuksel, kulankan ayaa ahaa mid ku dhamaaday is fahan.

Wasiirka Duulista Faraxaan Aadan oo si kooban uga hadlay kulankan  ayaa yidhi, “Ka wasaarada ahaan shaqooyin naga dhaxeeya ayaa jira Dawlada Tukriga oo aanu wada hadal hore ka galnay, mar hore oo uu yimi safiirku, oo aanu anagu shirnay, safiirka iyo qunsulkaba, markaa kulankaygu waxa uu daba joogaa wada xaajoodkii hore ee Hawada sare Somaliland iyo Somaliya, ee madaxweynuhuna hore ugaga qaybgalay Tukriga, laba jeer oo horena lagaga wada hadlay, ayaa horta udub dhexaad u ah, ka wasaarad ahaan ayaan ka hadlaya”.

Ismaaciil Cali Axmed

Afhayeenka Wasaarada Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka

Tel: 063 4424571

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.