Wasiirka Diinta iyo Awqaafta oo hortagay guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland

Hargeysa – (WARSOOR) – Wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Khaliil C/laahi Axmed, ayaa maanta hortagay guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland.

Guddoomiyaha guddida joogtada ah ee golaha guurtida Somaliland xildhibaan Siciid C/laahi Yasir, ayaa markii kulankaasi soo dhamaaday warbaahinta la hadlay isaga oo sheegay in ay wasiirka ka xogwaraysteen hawlaha shaqo ee ay qaranka u hayaan, wuxuuna intaas ku daray in waxyaabihii ay weydiiyeen uu si wanaagsan uga jawaabay isla markaana ay ku qanceen.

Dhankiisana wasiirka wasaaradda Diinta iyo Awqaafta ee Somaliland Sheekh Khaliil C/laahi Axmed, ayaa sheegay in guddidu wax ka waydiisay waajibaadka ay qaranka u hayaan, isaga oo intaas raaciyey in guddidu wax ka weydiisay arrin bulshadu hadal haysay maalmihii u dambeeyey oo la xidhiidha Tubaako dhawaan dalka soo gashay iyo waxa ay diintu ka qabto waxaanu wasiirku sheegay in waxkasta oo xun ay diinteenu inaga reebtay Tubaakadaasina ay ka mid tahay waxyaabaha xun xun ee ay tahay in bulshada laga illaaliyo.