Wasiirka Boostada, Isgaarsiinta & Tiknolojiyada XFS oo shir caalami oo Ka Dhacaya Hungary

Hungary – (warsoor) – Wafdi uu hoggaaminayo Wasiirka Boostada,Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Eng. Cabdi Cashur Xasan ayaa shir caalamig ah uga qeybgalaya dalka Hungary, kaasi oo looga hadlayo arrimaha Tiknolojiyada Caalamiga ah.

Mudane Eng Cabdi Cashuur Xasan iyo wafdigiisa waxa ay ka qeyb galeen furitaanka Bandhigga iyo Shirweynaha Isgaarsiinta Caalamiga ah ee (ITU Telecom World), Bandhiggan oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn oo ay isugu yimaadaan qeybaha kala duwan ee Isgaarsiinta iyo dowladaha caalamka ayaa ka furmay Magaalada Budapest ee caasimadda Dalka Hungary,kaasi oo socon doono 9/ilaa 12 Bishan September 2019.

Munaasabadda Furitaanka shirweynahan ayaa waxaa ka sooo qeybgalay Xog-hayaha Guud ee Midowga Isgaarsiinta Adduunka (ITU) Mudane Houlin Zhao iyo Raโ€™iisul Wasaaraha dalkaasi Hungary oo martigeliyay shirweynahaasi Caalamiga ah.

Xubnaha Wafdiga Wasiirka oo uu ku Jiro Maareeyaha Hayโ€™adda Isgaarsiinta Qaranka Mudane Cabdi Sheekh Axmed ayaa waxa ay inta uu socdo bandhigga iyo Shirweynahan waxay ka qeyb galidoonaan shirar doceedyo u dhexeeya wafuudda ka kala socota Dowladaha ka qeybgalaya, Shirkadaha Tiknolojiyadda iyo quburo ku tashustay qeybaha kala duwan ee Isgaarsiinta,kuwaasi oo ay kala hadli doonaan fursadaha iyo mowduucyada sida gaar ah danaynta ugu leh dalkeena.

Dalka soomaaliya oo lagu tiriyo in uu kamid yahay wadamada soo koraya ayaa sanadihii ugu dambeyeye wuxuu sameynayay horumar dhanka Tiknolojiyada ah,iyadoo wasaaradda Boosatada,Isgaarsiinta iyo Tiknolojiyada Xukuumadda Soomaaliya ay ku guuleystay dib u soo celinta xubinnimadii Soomaaliya ee hay’addo badan oo caalami ah.

Xigasho: SONNA

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.