Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland oo ka hadlay rabshadihii Boorame

HARGEYSA โ€” (WARSOOR) – Wasiirka arimaha gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed ayaa goor dhaweyd ka hadlay rabshado shalay ka dhacday magaalada Boorama ee gobolka Awdal, iyo dad loo xirxiray rabshadahaas.

Booliiska ayaa sheegay in dad rayid ah iyo xubno ka tirsan ciidamada amnigu ay ku dhaawacmeen rabshadahaasi. Waxa uu sheegay in rabshadahaasi aanay la xiriirin kiiska sarkaalkii dhowaan lagu dilay Lawyacadde. Askariga dilka gaystay ayaa maxkamad milatari ah ay dil ku xukuntay inkastoo aan weli la fulin.