Wasiirka Arrimaha Dibedda oo ka Hadlay Qorshaha Xukuumadda ee Nabadeynta Beelaha Gobolka Sool ku Dagaalamay

Laascaanood – (warsoor) – Wasiirka wasaaradda arrimaha dibedda Somaliland, mudane Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa ka warbixiyay xaalada nabadgeliyo ee gobolka Sool, shaqaaqooyinkii ugu danbeeyay ee dhexmaray beelaha walaalaha ah, tallaabooyinka xukuumaddu qaaday, iyo isu keenida beelaha in si nabada loo adkeeyo.

Waxaa kale oo uu ka hadlay socdaal uu dhawaan kaga soo laabtay dalka Turkiga, kaas oo ay kaga wada hadleen xidhiidhka labada dal iyo sii xoojintiisa.

Wasiir Faratoon oo ka mida wefti ka kooban golayaasha Qaranka oo gobolka Sool u jooga nabadeynta beelihii shaqaaqooyinku dhexmareen ayaa sheegay in xaalada nabadgalyo imika degan tahay wax dhibaato ahina aanay jirin, dadkuna ay diyaar u yihiin u yihiin nabad.

Wasiirka oo arrimahaasi ka hadlaya waxaa uu yidhi. “Laascaanood ayaanu joognaa waxaanu u tagnay gobolka Sool in aanu ka qayb qaadano soo afjarida shaqaaqooyinkii beelaha dhexmaray, wakhti xaadirkana ma jiran wax dhibaato ah oo hada taagan, ama beelo hubeysan oo abaabulan, inkasto aan si rasmiya weli leysu soo hor fadhiisan oo aan weli beelaha leysu keenin, hadana dadka intooda badani nabad ayay doonayaan”

Wasiirka oo ka hadlayay tallaabooyinka xukuumaddu qaaday shaqaaqooyinka beelaha kadib waxaa uu yidhi. “Xukuumaddu tallaabadii la gudbooneyd waa ay qaaday, waanay joojisay colaadu in ay sii socoto dhammaan degaamadii wax ka dheceena ciidamo ayay geysay, oo xaalada nabadgalyo ee degaanka gacanta ayay ku dhigtay anaguna waxaa aanu ku  biirnay dadkii hore gacanta ugu hayay nabadgalyada, dawladana waa ay ka go’an  tahay in nabadgelyo rasmi ah deeganka ka dhalato waana la isku keenaya cidkasta oo wax kala tabaneysana wada hadal ayaa lagu dhammeynayaa”

Wasiirka oo fariin u diray beelaha walaalaha ah ee dirirtu dhexmartay ayaa yidhi “Waxaa aan beelaha walaalaha ah u soo jeedinaya in aan waxba ka danbeyn wixii hore ee dhacay, cidkastaana tabashadeeda wada hadal ku dhammeysato gacana laga wada geysto nabada”

Wasiirka oo ka hadlayay socdaal uu kaga soo noqday dalka Turkiga ayaa sheegay in socdaalkaasi in uu ahaa mid la xidhiidha, xidhiidhka labada dal iyo sii xoojintiisa is afgarad buuxana uu ku soo dhammaaday.