Wasiirka Arrimaha Dibadda DF oo Xog Cusub Ka Bixiyey Xidhiidhka Soomaaliya ee Jabuuti iyo Kenya

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda dowladda federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa warbaahinta dowladda siiyey wareysi dhinacyo badan taabanaya, kaas oo uu uga hadlay dhinacyada doorashooyinka, arrimaha gobolka, khilaafka Soomaaliya iyo Kenya, xidhiidhka xumaaday ee Soomaaliya iyo Jabuuti iyo arrimo kale.

Doorashooyinka: Ugu horeyn wasiirka oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka ayaa sheegay in waxii dhacay oo dhan hadda la iska cafiyey, isla markaana la gaaray heshiis la isku haleyn karo, isagoo tusaale u soo qaatay cafiskii ay xafladii saxiixa heshiiska ay ku dalbadeen guddoomiyaha midowga musharaxiinta Sheekh Shariif iyo madaxweyne Farmaajo.

Isagoo ka hadlay dhaqaalaha ku baxaya doorashooyinka dalka waxa uu sheegay in loo dhigi doono seddax weji oo kala ah, mid ay bixiso dowladdu, mid ka soo xarooneysa musharaxiinta iyo qeyb ay ku kabeyso beesha caalamka.

Xiidhiidhka Soomaaliya iyo Jabuuti: Wasiir Maxamed Cabdirisaaq oo wax laga weydiiyey mad-madowga soo dhex galay xidhiidhka Soomaaliya iyo Jabuuti ayaa sheegay in Jabuuti ay muhiim u tahay Soomaaliya, balse ay jirto cabasho la kala tirsanayo.

“Jabuuti waa dal aan walaalo nahay, deris nahay oo aan Soomaali isla nahay, ma rabno in mararka qaar warar xanaf leh oo dowladuhu is dhaafsadaan ay sameyn ku yeeshaan shacabka walaalaha ah ee labada dal, waa jirtay in Jabuuti warbixin qortay, kadib markii guddi xaqiiqo raadin ah ay soo dirtay, taas oo dowladda Soomaaliyeed aysan ku farxin, markaasna jahadii nala gudbooneed ayaan marsiinay, laakiin Jabuuti xiriir aad u wanaagsan ayaa naga dhaxeeya, waatii Ra’iisul wasaaruhu caleemo-saarkii madaxweynaha Jabuuti ka qeyb galay, waa la kala caban karaa, taasna jidkii noo furnaa ayaan u marnay,” ayuu yidhi  Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Xidhiidhka Soomaaliya iyo Kenya: Wasiirka oo wax laga weydiiyey kaalinta dowladda Qatar ee soo celinta xiriirka labada dalka iyo waxa ka jira warar sheegaya in Qatar ay abuureyso fursad la xariirta in Soomaaliya iyo Kenya ay wadaagaan kheyraadka ku jira badda la isku heysto ayaa sheegay in Soomaaliya ay sugeyso oo kaliya go’aanka Maxkamadda ICJ oo wax gorgortan ah uusan ka furneyn arrinta badda, isagoo qiray inuu jiro dadaal la xariira ariintaas oo ay Qatar wado.

“Waa jirtay in Ergey ka socday Qatar uu yimid Soomaaliya, kaas oo ka shaqeynayey sidii labada dal ay u soo ceshan lahaayeen xiriirkooda, kaas oo Amiirka Qatar uu soo diray, anaga kaliyana nooma soo dirine, Kenyana waa loo diray, labada dal arrintaas waa ka jawaabeen, waana ogolaadeen in xiriirka la soo celiyo,” ayuu yidhi.

Waxa uu sheegay in hadda ay socdaan dadaallo lagu xalinayo khilaafka weli jira ee labada dal, “Waxaan xaqiijinayaa in dadaadalaas ay socdaan oo mar hore ay soo bilaawdeen.”

Sidoo kale Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo wareysigaan uga hadlay arrimaha Geeska Afrika iyo kaalinta ay Soomaaliya uga jirto ayaa sheegay in dalkeena oo door muhiim ah ku lahaa aas-aaskii urur goboleedka IGAD uu hadda kaalin firfircoon ku leeyahay wax wada qabsiga wadamada ku bahoobay ururkan.