Wasiirka amniga Soomaaliya oo la kulmay James Swan

Muqdisho – (WARSOOR) – Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa maanta kulan la yeeshay Wakiilka Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan.

Wasiir Islow iyo James Swan ayaa ka wada hadlay xaaladda dalka, Wada-shaqeynta labada dhinac iyo u diyaargarowga sugidda Amniga Xilliga Doorashooyinka.

“Waxaan maanta kulan la yeeshay Wakiilka Xoghayaha Guud ee Q/Midoobay James Swan oo aynu ka wadahadalnay xaaladda dalka, Wada-shaqeynta labada dhinac iyo u diyaargarowga sugidda Amniga Xilliga Doorashooyinka,” ayuu ku yidhi qoraal uu Wasiirka soo dhigay bartiisa Facebooka.

XIGASHO: SONNA