Wasiirka Amniga Gudaha XFS oo la kulmay Safiirka Turkiga ee Soomaaliya

MUQDISHU – (WARSOOR) – Wasiirka amniga xukuumadda federaalka Soomaaliya Danjire Xasan Xundubey Jimcaale ayaa booqday safaaradda Turkiga ee Soomaaliya, waxaana ku soo dhaweeyay safiirka dowladda Turkiga u fadhiya Soomaaliya Ambassador Mohamed Yilmez.

Labada mas’uul ayaa kulan ay ku yeesheen safaaradda Turkiga ee Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdisho  kaga wada-hadlay iskaashi amniga iyo horumarintiisa iyo taageerada Turkigu uu ka gaato arrimaha ammaanka, waxaana kulan ku wehlinayay taliyaha booliska Gobolka Banaadir janaraal Saadaq Cumar Xasan (Saadaq Joon).

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya Mohamed Yilmez ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay booqashada wasiirka amniga, isagoo tilmaamay in Soomaaliya iyo Turkiga uu ka dhaxeeyo xiriir wlltinimo.

Wasiirka wasaaradda amniga xukuumadda fedeeralka Soomaaliya Danjire Xasan Xundubey Jimcaale ayaa sheegay in Turkigu kaalin muhiim ah kaga jiro dib u dhiska ciidamada iyo dowlad dhisida Soomaaliya, isagoo tilmaamay in xilli adag Turkigu garab istaag u muujiyay Soomaaliya.