Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Oo Kulan la Qaatay Wefti ka Socdey Baarlamaanka Ingiriiska

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, ahna kusimaha Wasiirka Cabdillaahi Xuseen Maxamed, oo uu wehelinayo Taliyaha Ciidanka Booliska Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi, ayaa kulan la qaatay wefti ka socdey Baarlamaanka Dalka Ingiriiska uu hoggaaminayo xildhibaan Alexander Stafford iyo xubno kale oo ka mid ah Baarlamaanka Ingiriiska.

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa weftiga warbixin ka siiyey xaalada guud ee nabadgelyada Dalka Somaliland, doorka ay Somaliland u leedahay xasiloonida Geeska Afrika iyo wada shaqaynta taariikha ah ee ka dhaxaysa labada Dalka ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dalka Boqortooyada Ingiriiska.

Weftigan waxaa wehelinayey kulankan Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Ingiriiska Cabdi Cabdilaahi Xirsi, halka Wasiirka iyo Taliyaha Ciidankana ay kulanka ku wehelinayeen Masuulin ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Gudaha.