Wasiir Beyle oo soo dhoweeyay go’aannada ka soo baxay hay’adda lacagta Adduunka iyo Bankiga horumarinta Afrika

Muqdisho – (warsoor) – Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane; Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa qoraal uu bartiisa xiriirka Bulshada soo dhigay waxa uu kusoo dhaweeyay go’aannada wax ku oolka ah ee ka soo baxay hay’adda lacagta Adduunka IMF iyo Bankiga horumarinta Afrika oo go’aamiyay habkii ay ku cafin lahaayeen deynta Soomaaliya lagu leeyahay.

“Hadaan nahay Soomaaliya Dadaalkeenii wuu muuqdaa, waana ku farxi karnaa”.ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle oo hadalkiisa ku daray “Dadaalkani waa taariikhi, laakin intaan ka badan oo horumar ah ayaa inoo haray, kamana caajisidoono inaan ka miro dhalino hadafkeena ah guusha Soomaaliya”.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in hay’adaha kale iyo dalalka Soomaaliya deymaha ku leh inay ku dhawaaqaan go’anno la mid ah kuwan oo kale.

Barnaamijka wada hadalka deyn cafinta Soomaaliya ayaa socday saddexdii sanno ee la soo dhaafay, waxaana haatan uu marayaa heer go’aanno laga gaaro deyn cafinta Soomaaliya, taasi oo Soomaaliya u horseedeyso inay dib u hesho xiriirka dhaqaalaha caalamiga ah iyo maalgelin horseedo kobaca dhaqaalaha iyo yareynta faqriga.

Xigasho: sonna

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.