Wasaaradda Waxbarashada XFD oo soo kordhisay Barnaamij Fogaan-dersi ah

Muqdisho – (WARSOOR) – Wasaaradda waxbarashada hiddaha iyo tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta daahfurtay Barnaamij cusub oo loogu magac daray Fogaan-dersi kaas oo ardayda Soomaaliyeed u sahlaya in ay waxbarashadooda sii wataan inta ay Iskuullada u xiran yihiin Caabuqa Karoona Feyris.

Barnaamij fogaan-dersi oo ay ardaydu qaab Online casharadii iskuulka kala socon karaan ayaa ka kooban 2030 Cashir oo ka bilaabanaya fasalka 1-aad dugsiga Hoose Illaa Fasalka 8-aad ee Dugsiga Dhexe.

Barnaamijkan oo ay diyaariyeen khubaro Soomaaliyeed oo ka tirsan Wasaaradda waxbarashada hirgelintiisana ay wasaaradda ka taageereen Hay’adaha GPE, Save the Children iyo Midowga Yurub.

Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Guuleed oo qaab fogaan-arag ah uga qeyb galay munaasabaddan ayaa si rasmi ah u daahfuray Barnaamijkan Fogaan-dersiga ah ee ay diyaarisay Wasaaradda Waxbarashada.