Wasaaradda Shaqo-Gelinta Somaliland Oo Deeq Raashin Ah U Qaybisay Boqol Iyo Koton Qoysas Danyar Ah Oo Ku Nool Hargeysa

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasaaradda shaqo-gelinta, Somaliland oo deeq raashin ah u qaybisay boqol iyo koton qoys oo danyar ah, kuwaas oo ku nool qaar ka mida degmooyinka caasimada Hargeysa.

Deeqdan raashinka ayaa waxa iska kaashaday wasaarada shaqo gelinta iyo hay’adda ARC Kuwait, agaasimaha waaxda arrimaha bulshada ee wasaaradaas Filsan Xuseen Khaliif ayaa sheegtay in dadka danyarta ah ee ay raashinkaas gaadhsiiyeen ay ku kala nool yihiin degmooyinka Maxamuud Haybe, Ibraahin Kood buur iyo 26-ka Juun, waxa kale oo ay intaas ku dartay in hore ay deeqo raashin ah hore  u gaadhsiiyeen dad danyar ah oo ku nool degmooyinka Maxamed Mooge, Axmed Dhagax iyo Macalin Haaruun.

Masuul ku hadlaayay magaca hay’adda ARC Kuwait ayaa sheegay in raashinkaas ay danyartaas u qaybiyeen uu yahay raashin dhamaystiran oo ka kooban nocyada kala duwan ee raashinka ay dadkaasi u baahnaayeen, waxaanuu intaas ku daray inay u qorshaysan tahay in deeqo kale ay gaadhsiiyaan dadka danyartaah ee nugul maadaama oo dalka ay ka jirto xannuunka Covid 19.

Agaasimaha guud ee wasaaradda shaqo-gelinta arrimaha bulshada iyo qoyska Somaliland Cabdirashii Ibraahin Sheekh Cabdiraxmaan ayaa sheegay in raashinkaasi yahay mid ay dadkaas u baahnaayeen maadaama oo ay soo socoto bishii barakaysnayd ee Ramadaan.

Geestoodana qaar ka mida dadkii danyarta ahaa la gaadhsiiyay deeqdaas raashinka ah ayaa u mahadceliyay wsaaradda shaqo-gelinta arrimaha bulshada iyo hay’adda sida wada jirka ah raashinkaas u soo gaadhsiiyay, waxaanay ddkaasi xuseen in deeqdaasi tahay mid ay u baahnaayeen, loona keenay xili ay fooda inagu soo hayso bishii barakaysnayd ee Ramadaan.

Ugu dambayn wasiirka wasaaradda shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qayska Somaliland Mustafe Godane Cali Bile ayaa u mahadceliyay hay’adda ARC Kuwait, taas oo uu sheegay inay si dhaqso ah uga soo jawaabtay dalabkii wasaaradda shaqo gelinta ee ahaa in caawiyo raashin ah la gaadhsiiyo dadkaas danyarta ah ee ku nool degmooyinka caasimada Hargeysa.