Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Wadooyinka Somaliland oo Shahaado Guddoonsiiyey Rooble Saxardiid

Hargeysa – (warsoor) – Wasaarada Gaadiidka iyo Hotumarinta Wadooyinka Somaliland oo shahaado sharaf guddoonsiisay Saxafi, la taliye Rooble Maxamed Saxardiid.

Rooble ayaa shahaadan lagu guddoonsiiyey ka dib markii uu muddo sawiro shilalka Somaliland ka dhaca u sameeyey Alban facebook-ga ah oo uu la wadaago bulshadda.

Rooble oo ka hadlaya sida lagu guddoonsiiyey shaahaado sharaftan ayaa facebook-giisa soo dhigay qoraalka.

Waan uga mahad celinayaa Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka Somaliland iyo Masuuliyiinta Wasaaraddaba in ay si rasmi ah u aqoonsadeen Album kii shilalka ee aan Facebook idinkula wadaagi jiray in muddo ahba. Wasaaraddu waxa ay aqoonsatay in Album kaasi ahaa qayb wayn oo ka mid ah wacyi gelinta shilalka ee Somaliland wax badanna uu wax ka taray in dadku u baraarugaan khatarta shilalka ee dalka ka dhaca.

Waxa jira waxyaalo aad marka hore si aan ku talagal ahayn isaga bilowdo laakiin xagga dambe aad ka ogaato in uu faa’iido aanad adiga laftaadu marka hore ku baraarugsanayn bulshada u leeyahay.

Tani waxa ay igu dhiirri gelinaysaa in aan sii wado hawshan isla markaana abaabulo barnaamijyo kele oo dheeraad ah oo wacyi gelin ah si aynu dhamaanteen gacanta isu qabsano in aynu nafteena iyo ta dadkeedaba badbaadino intii Ilaahay inoo oggolaado.

Waxa aan u mahadnaqayaa dhamaan dadka aanu asxaabta nahay iyo dad kele oo runtii aanaan fool ka fool isu aqoon oo iyagu qaybta ugu wayn ka ahaa in aan helo sawirrada albumka ku jira oo aanan la’aantoo awoodeen in aan idinla wadaago. Waa hawl aynu dhamaanteen wada qabanay aad baanan idiinka mahad celinayaa.

Album kii si rasmi ah baa loogu ictiraafay in uu Album Qaran yahay wixii maanta ka dambeeya” Rooble saxardiid ayaa sidaasi qoray.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.