Wasaaradda Gaadiidka Iyo Horumarinta Jidadka Oo Qalab Iyo Gaadiid Cusub Ku Daah-Furtay Degmada Gar-Adag,

Gar-adag – (warsoor) – Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta Jadadka Somaliland iyo Wafti uu hogaaminayo oo gaadhay Degmada Gar-adag ee Gobolka Sanaag, ayaa daah-furay weji labaad oo dhismaha Wadada isku xidha Goboladda  Togdheer iyo Sanaag, lagana bilaabay Degmada Gar-adag, iyo sidoo kale Qalab iyo Gaadiid Cusub  oo isugu jira Cagafyo, Iskarogooyin Waaweyn iyo yaryar, Booyado Biyood iyo Gaadhi Kalagshar Jayga sameeyaa saaranyahay, kuwaas oo ay Wasaaraddu soo iibisay, Wakaalada Wadooyinka JSL ku shaqayndoonto.

Munaasibada daah-furka oo ka dhacday degmada Gar-adag waxaa ka qaybgaly Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Guddoomiyaha Baanka Dhexe ee JSL, Maareeyaha Wakaaladda Wadooyika, Masuuliyiin Xukuumadii hore xilal ka soo qabtay, Maamulka Degmada Aqoonyahan, Madax Dhaqmeed iyo marti sharaf kale.  

Wasiirka Gaadiidka iyo Horumarinta jidadka C/laahi Abokor Cismaan oo halkaasi ka hadlay ayaa waxa hadalkiisa ka mid ahaa:- “Gaadiidka halkaa joooga dhamaantii waxa iska leh dadweynaha Reer Somaliland, oo aad ka mid tihiin dadweynihiina Garadag, ilaahay ka sokow waxaa suuro galiyey guddoomiyaha Bangiga dhexe ee Somaliland Mr: Cali Baqdaadi, aad iyo aad ayaan ugu mahad naqayaa,”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi:-“hadaan u soo noqdo socodkaga waa laba qodob, Horta waxaanu idiinku bushaaraynaynaa maanta in la bilaabaayo weji labaad, wajigii hore ee ka soo socday Ceel-Afweyn ee iminka ku soo dhaw meesha la yidhaa Fadhi-gaab wuu shaqaynayaa sidiisii hore ayuu u shaqaynayaa, Madaxweynaha Jamhuuriyadda  SL waxa uu nagu amray ‘si wadadan dhakhso loo dhamaystiro, in la sameeyo weji labaad, wajigii labaad taladii injineerada markaanu la tashanay, waxay yidhaaden halka ugu munaasibsan ee wajiga labaad laga bilaabi karaa waa degmada Gar-adag.”

Guddoomiayah Baanka Dhexe ee Somaliland Cali Ibraahim Baqdaadi oo isagu Baan ahaan sii maalgaliyey Qalabka cusub ayaa yidhi:- “Waxa weeye in aynu aragno Gaadiidkii iyo qalabkii  la soo iibiyey oo xageena danbe iyo xageena horeba teedsan, mahadaasna waxa iska leh Wasiirka oo isagu fikirka keenay in aanu maalgalino, anaguna waanu ka aqbalnay.”

Maareeyaha Wakaaladda Wadooyinka Cismaan Sh Cabdi Muxumed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa tilmaamay in hawlaha wadadu u baahan tahay daryeel badan, waxaanu yidhi:-“wadadu waxay u baahan tahay tacab badan, waxay u baahan tahay dhaqaale badan, waxay u baahan tahay taxadir badan ilaahay waxaan ka baryayaa oo aad nuugu ducaysaan in uu xilkaa nagu asturo, oo aanu wadooyinkaa si fiican u dhisno.”

Gabogabadii waxaa Iyana halkaasi ka hadlay Wasiiru Dawlihii hre ee Wasaaraddii Duulista, Badhasaabkii hore ee goboladda Maroodi-jeex iyo Awdal, Aqoonyahan ,Ganacsato, qaar ka mida Madax dhaqmeedka deegaanka iyo waxgarad kale oo dhamaantood soo dhaweeyay qorsheyaashan, waxaa xusid mudan, dhamaan Masuuliyiinta halkaasii ka hadashay waxay reer Gar-adag xasuusiyen macaanka iyo faa’iidooyinka ay leedahay Nabadu, waxaanay kula dardaarmeen in Nabada la ilaaliyo.

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.