Wasaaradda Diinta Iyo Aw Qaafta Somaliland Oo Magacawday Gudi ka Shaqayn Doonta Ilaalinta Dhalashada Bisha Ramadaan

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasiirka wasaaradda diinta iyo aw qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa sheegay in guddida ka shaqayn doonta in ay sugaan xiliga rasmiga ah ee ay dhalato bisha Barakaysan ee Ramadaan, si aanay u dhicin in bulshadu kala horsoomaan ama kala maalin iidaan

Guddida wasaaradda diinta iyo awqaaftu magacawday arrintaas ayaa kala ah:-

1.    Sheekh Axmed Dhimbiil Guuleed, agaasimaha waaxda fatwada ee wasaaradda diinta iyo aw qaafta.

2.    Sheekh Xuseen Warfaa Sigad, agaasimaha waaxda cilmi baadhista

3.    Sheekh Maxamuud Suufi Maxamed

4.    Sheekh Maxamed Aadan Muxumed

5.    Sheekh Cabdirisaaq Xuseen Cali (Al-baani)

6.    Sheekh Cabdiraxmaan Sheekh Muxumed

7.    Sheekh Mahad Maxamed Cadaad

8.    Sheekh Axmed Caabi Cabdi

9.    Sheekh Xasan Axmed, la taliyaha Wasaaradda diinta iyo aw qaafta ee arrimaha shareecada

Ugu dambayn wasiirka wasaaradda diinta iyo aw qaafta Somaliland Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, ayaa wuxuu bulshada u soo jeediyay inay guddidaas kala shaqeeyaan sidii ciddii aragtaa ugu soo sheegi lahayd.