Wasaaradda Caafimaadka XFS oo ka shaacisay xaaladihii ugu dambeeyay COVID-19 ee Dalka

MUQDISHO – (WARSOOR) – Wasaaradda Caafimaadka iyo daryeel bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Feyruska Karoona ku sheegtay in la diiwaan geliyay 135 xaalado cusub oo COVID-19 ah 24-kii saac ee la soo dhaafay, 4 qof ayaana u geeriyootay, waxaana ka bogsatay ruux.

Wasiirka wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Marwo Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa sheegtay in xaaladaha cusub laga diiwaan geliyay gobalka Banaadir (110) Somaliland (15) Koonfur Galbeed (6) Jubbaland (3) iyo Galmudug (1) qof, 71 ka mid ah bukaannada la xaqiijiyay waa rag, halka 64-na ay yihiin haween.

Tirada xaaladaha COVID-19 ee dalka laga diiwaan geliyay ayaa gaartay 7,392 waxaa bogsootay 3,814 Ruux, guud ahaan 243 ruux oo kale ayaa u geeriyootay.

Marwo Fowsiya Abiikar Nuur, ayaa ku celisay markale inay muhiim tahay qaadashada talooyinka caafimaad ee laga helayo khuburada caafimaadka ku takhasusay iyo wacyi gelinta kale ee bulshada lagu ogeysiinayo khatarta cudurkaan uu dadka ku keeni karo, maadaama uu markale soo labo kacleeyay halista cudurka COVID-19.