Wasaaradda Caafimaadka JSL Oo Berbera Ka Bilawday Baadhitaano Caafimaad

Hargeysa – (WARSOOR) – Wasaaradda caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ka bilawday olole baadhitaan oo la xidhiidha xannuunka covid-19.

Sida uu ku soo waramayo wariye Mukhtaar Cabdiraxmaan Maxamuud oo wakaaladda wararka Somaliland ee solna uga soo warama gobolka Saaxil, ugu horreyn Maxamed Daahir oo ah la taliyaha wasiirka horumnarinta caafimaadka Somaliland ayaa ka warbxiyey ololaha baadhitaanka ee ay ka bilaabeen Berbera, wuxuuna sheegay in ay baadhitaankaas ku bilaabeen hawl wadeenada caafimaadka ee ka hawlgala magaalada berbera, maadaama oo ay yihiin kuwa u adeegaya bukaannada, wuxuuna intaas ku daray in ay baadhitaankaas ka soo sameeyeen gobollada kale, gobolka Saaxilna uu yahay kii u dambeeyey.

Sidoo kale, Dr. Yuusuf Garaw oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in ololaha baadhitaanka ee la xidhiidha saameyntii cudurka Coronavirus ay bilaabeen dabayaaqadii bishii December ee sannadkii ina dhaafay, isla markaana ay baadhitaan ku sameeyeen in ka badan sagaal boqol oo qof oo ka kooban gobollada dalka.

Waxa kale, oo isna halkaas ka hadlay isuduwaha wasaaradda caafimaadka ee gobolka Saaxil Dr. Bashiir Diiriye Jaamac, oo soo dhaweeyey ololaha baadhitaanka ee wasaaradda caafimaadku ka bilawday Berbera, oo uu tilmaamay inuu yahay mid muhiim ah, isaga oo sheegay in ay u diyaariyeen hawl wadeennadii ay u baahnaayeen in baadhitaanka lagu sameeyo.