Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Kulan U Qabatay Haweenka U Sharaxan Doorashada Goleyaasha Degaanka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ayaa qabatay kulan lagu dhiigelinaayo haweenka leh hanka ah in ay ka mid noqdaan goleyaha degaanka ee buuxiyay shuruudihii u yaalay ka mid noqoshada murashixiinta u tartamaysa doorashadaas.

Agaasimaha dalladda ururada haweenka ee Nagaad Nafisa Yuusuf Maxamed ayaa sheegtay in haweenka Somaliland ay guul u tahay in ay si toos ah uga qayb qaataan doorashooyinka goleyaasha wakiillada iyo degaanka ee la filaayo in ay dabayaaqada bishan May ka qabsoomaan dalka, waxaanay xustay in dallad ahaan ay bar-bar taagan yihiin haweenkaas leh hanka murashaxnimo ee buuxiyay shuruudihii ay komishanka doorashooyinka qarank u dhigeen ka qayb-qaadashada doorashooyinkaas, iyadoo xukuumadda uga mahadcelisay kaalinta ay ka qaadatay in haweenkaasi soo gaadhaan heerka ay manta taagan yihiin oo ay u hadhay in ay u tartamaan kuraasta goleyaasha deegaanka.

Sakariye Daahir la taliyaha madaxweyne ku xigeenka Somaliland ee mashruuca horurinta magaalooyinka ee dalka ee loo yaqaan (JPLG), waxaanuu mashruuca JPLG uu diyaar u yahay sidii haweenkaas looga taageeri lahaa dadaalkooda ku saabsan ka mid noqoshada goleyaasha dalka, taas oo uu  ka mid yahay kulankan lagu dhiirigeliyaano haweenkaas, waxaanuu xusay in haweenka ku soo baxa ka mid noqoshada goleyaasha degaanka ee dalka mashruucaasi yahay mid la yeelan doona wada shaqayn, maadaama oo mashruucaasi xoogga saaro sidii loo horumarin lahaa degmooyinka dalka.

Ugu dambayn agaasimaha guud ee guud ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Siciid Jibriil ayaa sheegay in u jeedada kulanaas loo qabtay kulankaasi ay tahay in haweenka laga taageero sidii ay u samaynsan lahaayeen qorshe hawleed la xidhiidha ololaha doorashooyinka, sidii ay u maamuli lahaayeen dhaqaalaha ku baxayaaya ololahaas iyo sidii wasaaradda arrimaha guduhu u dhiiri gelin lahayd haweenkaas buuxiyay shuruuhdihii looga baahnaa ka qayb-galka doorashooyinka.