Wasaarada Qorshaynta Qaranka Somaliland Ayaa 7 gaadiid Ku Wareejisay Wasaaradaha Waxbarashada Iyo Caafimaadka

HARGEYSA – (WARSOOR) – Munasibada wareejinta gaadiidkaas oo lagu qabtay xarunata wasaarada qorshaynta qaranka ayaa waxa gob joog ahaa masuulyinta wasaaradaha lagu wareejinayay gaadiidkaas, madax ka socotay mashruca SDF iyo masuuliyiin kale.

 Wasiirka wasaaradda qorshaynta qaranka Somaliland Xasan Maxamed Cali Gaafaadhi ayaa sheegay in gaadiidkan ay wasaaradda qorshayntu wareejinayso loogu talo galay inay qayb ka qaataan shaqooyinka ay qaranka u hayaan wasaaradaha caafimaadka iyo waxbarashada, wasiir gaafaadhi wuxuu intaa ku daray in gaadiidkaasi ay ahaayeen kuwo qayb ka ahaa mashruuca sanduuqa horumarinta Somaliland ee SDF.

Geestoodana wasiirka wasaarada horumarinta caafimaad Cumar Cali Cabdilahi iyo wasiirkuxigeenka wasaarada waxbarahsada gudoomay gaadiidkaas, waxaanay sheegeen inay kaga qayb gali doonaan shaqada wasaaradahaasi ay qaranka u hayaan.