Warmurtiyeed Laga Soo saaray Shirkii Jabuuti oo Jamhuuriyadda Somaliland Guul ka soo Hoysay

Jabuuti – (WARSOOR) – Shirkii heerka sare ahaa ee wada-tashiga labada dal ee Jamhuuriyadda Somaliland iyo Jamhuuriyadda SoomaaliyaΒ  ee ka qabsoomay dalka Jamhuuriyadda Djibouti Maanta, kuna qabsoomay curintii Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, iyo hoggaamiyayaasha kale ee Gobolka ayaa laga soo saaray Warsaxaafadeed lagu cadeeyay Qodobada lagu Heshiiyey.

Waxaana war-murtiyeedka lagu qiray in sababta shirka loo qabtay ay ahayd sidii hoggaamiyeyaasha Somaliland iyo Soomaaliya looga caawin lahaa sii ambo-qaadka wada-xaajoodka khuseeya xidhiidhka u dhexeeya Labada dal (between the two countries), taasi oo noqotay guul u soo hoyatay Jamhuuriyadda Somaliland.

  • Hogaamiyayaashu waxay aqoonsadeen kaalinta muhiimka ee Jamhuuriyadda Djibouti kaga jirto nabadaynta Gobolka Geeska Afrika.
  • Waxa la isla gartay in muddadii ka horaysay shirkan taariikhiga ah ay dhaceen dhawr wareeg oo wada-hadallo ah balse aan midho dhalin.
  • Madaxweynaha Somaliland iyo Madaxweynaha Soomaaliya waxay isla garteen in guddi farsamo oo ka kooban labada wefti ay dib u bilaabaan wada-hadalladii labada dhinac, sidoo kale ay daba-galaan heshiisyadii iyo arrimihii hore loogu heshiiyey ee aan fulin.
  • Waxa ay labada dhinac ku heshiiyeen in aan la siyaasadayn gar-gaarka dhinaca horumarka iyo maal-geshiga.
  • Shirku waxa uu soo jeedinayaa in Djibouti noqoto goobta Shirarka Farsamo ka qabsoomayaan.
  • Waxa la isla gartay in muhiimadda u saraysa ay leedahay danaha labada shacab ay ahaato xuddunta wada hadallada labada dhinac.
  • Shirku waxa uu ku boorinayaa dhammaan ururada gobolka, qaaradda iyo caalamkaba in ay isugu geeyaan taageeradooda wada hadalladan.